Masuuliyiin Iyo Dhalinyaro Badan Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

0
Thursday August 28, 2014 - 21:59:34 in by salman abdi
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Iyo Dhalinyaro Badan Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

    Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Degmada: Qoryaale Mud:Cabdi Axmed Ayax , Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha DegmadaQoryaale Mud:Cabdiqani Cige Xasan Iyo Dhalinyaro Aad u tiro badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Degmada: Qoryaale Mud:Cabdi Axmed Ayax , Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha DegmadaQoryaale Mud:Cabdiqani Cige Xasan Iyo Dhalinyaro Aad u tiro badan


 

 Oo Kamida Dhalinyarada Degmada Qoryaale ayaa Maanta Buuxdhaafiyay Xabsiga Dhexe Ee Degmadaasi Qoryaale.

Dhalinyarada Faraha Badan Ee Xabsiga Loo Taxaabay Ayaa Waxa Ka Mida Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Ciyaaraha kuwaas Oo Ilaa Maanta Ku Jiray Xabsiga Dhexe Ee Degmadaasi.

Ilaa Haatan Lama Garanayo Sababta Kaliftay In Dhaliyardan Isugu Jirta Aqoonyahanka Degmada Iyo Masuulyiinta Laga Buuxiyo Jeelka, Balse Arintani Ayaa Loo sababaynayaa Maamul xumada Ragaadisay Degmadaasi Qoryaale Oo Wali Ay Xukumaan Maamulkii Uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaga Tegay Degmadaasi.

Degmada Qoryaale Ayaa Sanadihii Udanbeeyay Ku Talaabsatay Horumar Balaadhan Oo Dhinaca Bulshada Ah Marka Laga Reebo Maamul xumada Ragaadisay Degmadaasi.

Dadka Kala Duwan Ee Ku Nool Degmadaas Ayaa aad uga Soo Horjeeda Maamulka Degmada Qoryaale . Iyagoo Ay Dadkaasi aanay Wali Arag Maamul Ka Socda Dawlada Madaxweyne Siilaanyo Oo Wax Ka Bedel siyaasadeed Ku sameeya Degmadaasi.

Si Kastaba ha Ahaatee Dadka Kunool Degmada Qoryaale Ayaa u ildaran Inay Helaan Maamul Ka Socda Xukuumadii Ay Doorteen Iyagoo Aadna Uga Soo Horjeeda Maamulkan ka sii Hadhay Dawladii Udub Ee Dhacday.




 Contact@afkashacabka.com