Wasiiradda Gudaha Iyo Dibada Somaliland Oo Caawa Fiidkii U Duulay Caasimada Dalka Ethiopia Iyo Ujeeddada Safarkooda

0
Thursday August 28, 2014 - 22:42:41 in by
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiradda Gudaha Iyo Dibada Somaliland Oo Caawa Fiidkii U Duulay Caasimada Dalka Ethiopia Iyo Ujeeddada Safarkooda

    Wasiiradda Khaarajiga iyo Daakhiliga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Warancade, caawa fiidkii ka duulay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeisa, iyaga oo u sii jeeda caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyaga oo soo raacay diy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiradda Khaarajiga iyo Daakhiliga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Warancade, caawa fiidkii ka duulay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeisa, iyaga oo u sii jeeda caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyaga oo soo raacay diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline.

Warar lagu kalsoonaan karo ay heshay Shabakadda wararka ee Caalamiga ah ee Afkashacabka ayaa tibaaxay in ujeedada safarka Wasiiradani ay ka danbaysay shirkii golaha Wasiirada ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee maanta oo khamiis ah lagu qabtay xarunta qasriga Madaxtooyada, kaas oo si aad ah loogu qaada dhigay dagaaladda ka soo cusboonaaday gobalka Sool, kuwaas oo sababay in ciidanka qaranka ee Somaliland ay weerar ku qabsadeen deegaankii loogu tallo-galay in lagu caleemo saaro hogaamiyaha kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh.

Warku waxa kale oo intaa ku daray in Waftiga Wasiiradda ah ee u baxay Ethiopia ay Madaxda Ethiopia kala hadli doonaan arrimo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ay kooxda , khaatumo ee hogaankeeda loo doortay Cali Khaliifka wadaan gobalada bariga Somaliland, maadaama oo ay Ethiopia tahay dal aad muhiim uga ah dalalka mandaqada geeska Afrika, Somaliland-na ay Ethiopia la leedahay xidhiidh fiican oo dhinacyada siyaasada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo ganacsigaba.Waxa kale oo soo baxaya warar aan la xaqiijin oo tibaaxaya in Raysal Wasaaraha Ethiopia uu kahdka Isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay Madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga oo u soo gudbiyay fariin ku saabsan dhibaatooyinka ka olloosan gobaladda bari ee Somaliland, Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland oo ku saabsan ujeedadda dhabta ah ee uu daaran yahay socdaalka Wasiiradda Somaliland ay ugu baqooleen Ethiopia. Mana cada in Wetiga Wasiirada Somaliland ay u sii gudbi doonaan dalal kale oo dibadda ah marka ay dhammaystaan booqashadooda Ethiopia, iyo in ay ku soo guryo noqon doonaan Somaliland iyo in kale.


Contact@afkashacabka.com