Hargeysa:Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Soo Saaray Isku Aadka Koobka FA Cup-ka Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanaayo Somaliland

0
Wednesday July 11, 2018 - 08:22:39 in by salman abdi
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Soo Saaray Isku Aadka Koobka FA Cup-ka Oo Markii Ugu Horeysay Lagu Qabanaayo Somaliland

    Tartanka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn

Tartanka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium. Tartankan waxaa maal-gelisay shirkadda Iskaadhsiinta Casriga ah ee Telesom.

Tartankan oo ay ka qayb gali doonaan 28 Kooxood ayaa diyaargarawgiisu gabogabo ku dhawyahay iyadoo lasoo saaray qaabka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa ay iskugu beegmayaan isku aadka tartanka koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (FA Cup).

Tartankan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ka qabsoomi doona 17-ka bishan July 2018 waxaana sida qorshuhu yahay ciyaar kasta si toos ah looga daawan doonaa Horn Cable Tv (HCTV).


Tartankan ayaa waxaa isku aadka Gruopska ay kooxuhu iskugu beegmeen sidan hoos ku qoran.


Group A:

Goodir

FC Seico

Kirix Restaurant

Diana Club

Group B:

Xiddigaha Cirka

True Cable TV

FC Sooyaal

Buubaa Hotel

Group C:

W. Maaliyadda

W. Hawlaha Guud

FC Afgal

W. Qorsheynta

Group D:

D.H.H

W. Cadaaladda

FC Waaberi

Asluubta

 



Group E:

Gaashaan

FC Sh. Madar

Al Bacas FC

East & West

Group G:

W. Xananada Xoolaha

Ciidanka Dab-demiska

Maamuus Hotel

W. Beeraha

Group F:

W. Ganacsiga

Hass Petroleum

FC Dannab

W. Caafimaadka


Tartankan oo markii ugu horeysay lagu qabanaayo dalka ayaa ah mid xiisihiisa leh , isagoo isla markaasina noqondoonaa talaabo horumar oo taariikhda u galidoonta masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.


Dhinaca kale tartankan ayaa noqon-doona mid kor u qaada isla markaana dhiirigeliya bahda ciyaaraha ee Somaliland gaar ahaana barbaarta caasimadda Hargeysa ee nasiibka u yeeshay in magaaladoodii laga bilaabo laguna daahfuro.