Aragtida Nicholas Kay ee xaaladda degaannada Dagaalku ka dhacay iyo nuxurka baaq uu u jeediyey Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif

0
Friday August 29, 2014 - 12:57:45 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtida Nicholas Kay ee xaaladda degaannada Dagaalku ka dhacay iyo nuxurka baaq uu u jeediyey Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif

    Mr. Nicholas Kay, ayaa soo bandhigay dareenkiisa ku wajahan hawlgal ciidanka qaranka Somaliland ku qabsadeen degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool, laguna fashiliyey xaflad la doonayey in Cali Khaliif Galaydh loogu caleemo-saaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr. Nicholas Kay, ayaa soo bandhigay dareenkiisa ku wajahan hawlgal ciidanka qaranka Somaliland ku qabsadeen degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool, laguna fashiliyey xaflad la doonayey in Cali Khaliif Galaydh loogu caleemo-saaro

 Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, ayaa soo bandhigay dareenkiisa ku wajahan hawlgal ciidanka qaranka Somaliland ku qabsadeen degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool, laguna fashiliyey xaflad la doonayey in Cali Khaliif Galaydh loogu caleemo-saaro madaxweynenimo magac-u-yaal ah.


Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, ayaa farriin kooban oo uu ku faafiyey boggiisa Twitter-ka shalay oo Jamhuuriya ka soo xigtay ku sheegay in dareenkiisu aad uga xun yahay, ugana walaacsan yahay xaaladda degaanka Saax-dheer oo 70km dhinaca koonfur-bari ka xigta xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, halkaas oo dagaal khasaare dhaliyey ku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo malleeshiyaad ilaalinayey Cali Khaliif Galaydh.

 

"Aad baan uga walaacsannahay xaaladda Saax-dheer. Dhammaan dhinacyada oo dhan (Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif) waa inay sameeyaan dedaal kasta oo lagu joojinayo, laguna dejinayo rabshadaha,” ayuu yidhi Mr. Nicholas Kay.

Waxa kaloo Ergaygu ugu baaqay dawladda Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif Galaydh in hannaan nabadgelyo lagu xalliyo muranka u dhexeeya, waxaannu yidhi; "Waa in dhinacyadu murranka iyo waxyaabaha ay ku kala aragti duwan yihiin ku xalliyaan wadahadal loo marayo hannaan nabadgelyo.”

Mr. Nicholas Kay oo safar ku yimi Somaliland horraantii bishan, ayaa dawladda kala hadlay in dhibaatooyinka ka taagan degaannada bariga lagu xalliyo hab nabadgelyo iyo wadahadal, isagoo markii uu safarkaas dhammaystayna qoraal uu soo saaray 22 August 2014 ku sheegay in dalalka Kenya, Itoobiya, Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed Puntland taageersan yihiin nidaamka federaalka Soomaaliya.

Haseyeeshee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraal uu ku baahiyey twitter-kiisa 24 August ku sheegay in aanay dawladda Somaliland oggolayn inay martigeliso xafiiska siyaasadda Qarammada Midoobay ee UNSOM, madaxdana ka yahay Mr. Nicholas Kay, arrintaasoo iftiiminaysa in Somaliland iyo Ergaygu aragti ahaan aad u kala fog yihiin.




Contact@afkashacabka,com