Hogaamiyayaasha Ruushka iyo Jarmalka Oo Isku Afgartay In La Qaboobijyo Dabka Ka Holcaya Ukrain.

0
Friday August 29, 2014 - 16:16:52 in by salman abdi
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyayaasha Ruushka iyo Jarmalka Oo Isku Afgartay In La Qaboobijyo Dabka Ka Holcaya Ukrain.

    talaabooyinka uu Ruushka ka qaadanayo arrimaha ka taagan dalka Ukrain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

talaabooyinka uu Ruushka ka qaadanayo arrimaha ka taagan dalka Ukrain


Telefishin laga leeyahay dalka Poland oo la yidhaahdo TVN 24 ayaa sheegay in raiisul-wasaaraha Jarmalka Angela Merkel iyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ay isku afgarteen in uu Ruushku bakhtiiyo dabka uu ka shidayo dhulka Ukrain si loo raaligeliyo cadawga Ruushka oo iyagu ah Reer-Galbeedka, oo iyagu si weyn u diiddan talaabooyinka uu Ruushka ka qaadanayo arrimaha ka taagan dalka Ukrain iyaga oo u arka in si aan gabasho lahayn uu Ruushku u taageero kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan xukuumadda Ukrain.

 


Labada hogaamiye ayaa la sheegayaa in ay kulmeen xilli ay wadahadallo u socdeen Hogaamiyaha Ruushka Vladamir Putin iyo hogaamiyaha Ukrain Petro Poroshenko oo iyagu ka wada hadlayay sidii loo joojin lahaa colaadda ka taagan bariga dalka Ukrain,  wadahadallada labada dhinac uga socday Minsk ayaa iyagu khubarada ku xeeldheer siyaasaddu ay u arkaan in aanay waxba ku soo kordhinaynin xaaladda Ukrain maaddaama hogaamiyaha Ruushka oo doonayo in uu si fudud oo tartiib-tartiib ah ugu siqo gudaha ciidda dalka Ukrain, halka dawladda Ukrainna iyadu aanay awood weyn u lahayn in ay ka hortagto duulaanka dadban ee Ruushku dhulkeeda ku soo qaaday.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa iyadu aaminsan in ay suuragaltahay in wadahadalladani aanay wax isbedel ah ku soo kordhinin xaaladda ka taagan dalka Ukrain waxaana ay sheegtay in NATO ay kaalmo milatari siin doonto ciidanka dalka Ukrain ,laakiin waxay meesha ka saartay suuragalnimada in dalka Ukrain loo ogolaado in uu xubin ka noqdo ururka NATO.

Waraysi ay siisay tvga ARD maalinnimadii axadda ayay Merkel ku sheegtay in booqadashii ay ku gaadhay Kiev sabtidii la soo dhaafay ay ahayd mid ay ku dooneysay in loogu diyaargaroobo wadahadallo labada hogaamiye ee Ukrain iyo Ruushka loogu qabto magaalada Minsk ee caasimadda u ah Belarus , wadahadalladaas oo ay ka qaybgaleen madaxda dalalka Ukrain,Ruushka ,Belarus,Kazakhstan iyo midowga Europe oo iyagu dhamaan ah dhinacyada ay khusayso dhibaatada ka taagan dalka Ukrain.

Hogaamiyaha Ruushka Angela Merkel ayaa sheegtay in ay walaac badan ka qabto suuragalnimada in ay wadahadalladani keeni karaan isbedel wanaagsan iyadoo sheegtay in dagaal aan lugu xallinkarin xaaladda ka taagan dalka Ukrain, waxaana ay sheegtay in labada dhinac ee Ruushka iyo Ukrain in ay masuuliyadi ka saarantahay in ay badbaadiyaan nolosha mallaayiin dad ah oo ku barakacay colaadda ka taagan bariga iyo koonfurta dalka Ukrain. Ms Merkel ayaa sheegtay in mucaaradka uu Ruushku taageero ee dalka Ukrain ka dagaalama ay diideen in ay ogolaadaan hindisooyin ay hore u soo jeedisay xukuumadda dalka Ukrain kuwaas oo la doonayay in lugu soo gabagabeeyo colaadda halkaasi ka taagan ,waxaana ka mid ahaa in la sameeyo maamul federaal ah oo gobollada dalka Ukrain dhammaantood ay helaan dhaqaale ku filan, in kor loo qaado dhaqaalaha taagta daran ee dalkaasi gaar ahaan gobolada ay colaaddu ka socoto iyo sidoo kale in loo ogolaado dadka ku hadla luqadda Ruushka in ay ku hadlaan luqaddaasi waxna ku bartaan.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in iyadu aanay ka soo horjeedin Ruushka laakiin ay dooneyso in la badbaadiyo dalka Ukrain, xooggana ay saareyso sidii dadka Reer-Ukrain ay aayahooda kaga tashan lahaayeen si loo suurageliyo in faragelinta shisheeye loo joojiyo nabadgelyo dhaqaale iyo mid siyaasadeedna markale dib loogu soo dabaalo dalkaasi ay colaaduhu ka qarxeen.

Mar Merkel la weydiiyay su’aal ahayd in NATO ay ogolaaneyso in Ukrain ay xubin ka noqoto ururkaasi ayay sheegtay in ay doonayaan in Ukrain ay wadashaqayn la yeelato ururkaasi laakiin marnaba aan miiska la soo saarin doodad ku aaddan xubin ka noqoshada NATO ee dalka Ukrain, taas oo haddii ay dhacdo sababi karta in ay NATO jabiso sharcigii ururkaasi lugu yagleelay ama wax ka beddel lugu sameeyo.

Khubarada siyaasadda iyo kuwa milatariga ayaa sheegaya in haddii Ukrain ay ka mid noqoto ururka NATO ,waxaa ururkaasi khasab ku noqoneysa in uu talaabo ka qaado faragelinta Ruushku ku hayo dhulka Ukrain isaga oo hore u qabsaday gobolka Crimea maaddaama sharciga NATO uu qabo in ururku uu waajib ka saaranyahay in uu jawaab ka bixiyo haddii xadgudub ama duulaan lugu soo qaado xubin ka tirsan ururkan.

Ruushka ayaa isagu u muuqda in uu iska indhatirayo baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in uu dhowro madaxbanaanida dalka Ukrain waxaana dawladda Ukrain ay aaminsantahay in Ruushku uu si toos ah ugu lug leeyahay colaadda dalkeeda ka taagan, iyada oo dhawaan ciidanka Ukrain uu qabtay askar Ruushka oo ka soo talaabay xuduudda si ay ugu biiraan kooxaha mucaaradka ah ee dagaalka Kula jira ciidanka Ukrain

            Contact@afkashacabka.com