Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Bilawaday Qorshe Dib Loogu Eegayo Tirada Iyo Tayada Macalimiinta Dawlada.

0
Sunday July 15, 2018 - 12:20:29 in by salman abdi
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Bilawaday Qorshe Dib Loogu Eegayo Tirada Iyo Tayada Macalimiinta Dawlada.

    Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Bilawaday Qorshe Dib Loogu Eegayo Tirada Iyo Tayada Macalimiinta Dawlada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Bilawaday Qorshe Dib Loogu Eegayo Tirada Iyo Tayada Macalimiinta Dawlada.

Hay'adda Shaqaalaha Dawladd Somaliland oo ku guulaysatay inay dhamaystirto diiwaangelinta shaqaalaha dawladda isla markaana si rasmi ah loo ogaaday tirada dhabta ah ee shaqaalaha dawladda xogtooda iyo heerka xirfadeed ee shaqaalaha, ayaa bilowday wajigii 1aad ee tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo la kaashanaysa Hay’adda shaqaaluhu, Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa waxay daahfureen Qorshe cusub oo dib loogu eegaayo Tiradda iyo Tayadda macalimiinta dugsiyada dawladda ka hawlgala.


Kulankan Balaadhan ee maanta ay isugu imaadeen Madaxda Wasaaradda waxbarashadda oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo musuuliyiinta Hay'adda shaqaalaha oo uu hormuud ka yahay Guddoomiye


mid Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qabtay shirkan la lagu qorshihiisu yahay dib u eegista tayadda iyo Tiradda Macalimiinta Dawladda ee goobaha waxbarasho ee dawliga ah ka hawlgala, waxaana Guddoomiye sharmarke Geelle oo tafaasiil dheerada ka bixinaayey ka hadlay

 

qodobada shirkani lagaga hadlay oo dhignaa sidan:
-Tirada Macalmimiinta
-Tayada barayaasha
-Tababar iyo kor u qaadis iyo guud ahaanba
- Hannaanka loo marayo qiimaynta macalimiinta dalka iyo tallaabooyinka laga qaadi doonno si loo helo macalin tayyo badan oo ardayga siiya aqoon iyo jihayn buuxda

Haddaba, masuulyiiinta ka soo qaybgalay madasha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado xirfadda iyo tayada macallimiinta dawladda si loo helo waxbarasho tayo leh oo soo saarta arday aqoontoodu sarrayso kuwaas oo qaranka wax tara. Waxaana la isku raacay qorshayaal hordhac ah oo kor loogu qaadi doono tayada macallimiinta dawladda iyo dib-u-qiimayntooda.sku soo wada duuboo kulankan ayaa daba socda siyaasadda xukuumadda ee tayaynta waxbarashada dalka iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirrada JSL lagaga hadlay habka iyo hanaanka loo marayo kobcinta macallimiinta iyo dib u eegista hannaanka waxbarasho ee dalka.

Isku soo wada duub oo kulankan, ayaa daba socda siyaasadda xukuumadda ee tayaynta waxbarashada dalka iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirrada JSL lagaga hadlay habka iyo hanaanka loo marayo kobcinta macallimiinta iyo dib u eegista hannaanka waxbarasho ee dalka.

kulankan ayaa daba socda siyaasadda xukuumadda ee tayaynta waxbarashada dalka iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirrada JSL lagaga hadlay habka iyo hanaanka loo marayo kobcinta macallimiinta iyo dib u eegista hannaanka waxbarasho ee dalka.