Ankara:-Dawlada Turkiga oo qaaday xaaladdii degdegga ahayd Iyo Sababta Ka Danbaysa.

0
Thursday July 19, 2018 - 09:23:25 in by salman abdi
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ankara:-Dawlada Turkiga oo qaaday xaaladdii degdegga ahayd Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Ankara:-Dawlada Turkiga oo qaaday xaaladdii degdegga ahayd Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara:-Dawlada Turkiga oo qaaday xaaladdii degdegga ahayd Iyo Sababta Ka Danbaysa.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney qaadday xaaladdii degdegga ahayd ee uu waddanku ku jiray, oo labo sano ka hor dalka la saaray kaddib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay.

Inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah kumannaan qof ayaa xabsiga la dhigay ama shaqooyinkooda ku waayey.

Hase yeeshee dowladda ayaa go'aansatay halka ay ku kordhin lahayn saddex bilood oo kale in gabi ahaanba xaaladda degdegga ah dalka laga qaado.

Go'aankan ayaa imanaya iyada oo ay dhowr toddobaad uun ka soo wareegtay guushii doorashada ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Xilliga ay socotay ololaha doorashada waxyaabaha ugu horreeya ee ay xisbiyada mucaaradka marar badan sheegayeen ayaa wuxuu ahaa haddii ay doorashada ku guuleystaan iney xaaladda degdegga ah dalka ka qaadayaan.

Dad ka badan 107,000 oo hay'adaha dowladda u shaqeeynayey ayaa shaqooyinkooda laga eryey inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah, sidoo kale 50,000 oo qof dad ka badan ayaa xabsiyada la dhigay maxkamadna sugaya, sida ay caddeeynayaan warbixinnada ka soo baxaya hay'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Dadka shaqada laga fadhiisiyey ayaa intooda badan lala xidhiidhiyey wadaadka musaafiriska dalka uga maqan ee Fethullah Gulen, oo ku nool dalka Mareykanka horayna ay isku xulafa u ahaayeen madaxweyne Mr Erdogan.

Turkiga wuxuu Mr Gulleen iyo taageerayaashiisa uu ku eedeeyey iney ka dambeeyeen afgambigi dhicisoobay, balse wadaadku eeddaasi waa uu diiday.

Afgambigi dhicisoobay ee 2016-ka dhacay waxaa diyaarad lagu duqeeyey baarlamaanka waxaana lagu dilay in ka badan 250 qof.