Addis ababa: Dawlada Itoobiya Oo Dalab Yaab leh u dirsatay Dowlada Boqortooyada Sacuudiga.

0
Friday July 20, 2018 - 11:37:33 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Addis ababa: Dawlada Itoobiya Oo Dalab Yaab leh u dirsatay Dowlada Boqortooyada Sacuudiga.

    Madaxa xafiiska ra'isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa xafiiska ra'isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay

Itoobiya si ay uga baxdo dhibaatada dhinaca lacagta adag ka soo food saartay ay Sacudia Arabia ka dalbatay iney hal sano shidaal deyn ku siiso.

 

Wuxuuna intaa ku daray codsiga dowladda inuu yahay mid horay u sii qorsheysnaa si baahida shidaalka dalka loo daboolo.

 

 

Baahida dhinaca doolarka oo dalka soo foodsaartay iyo dhibaatooyin la xidhiidha adeegga aasaasiga ah oo ay waddooyinka ka midka yihiin ayaa waxay sababtay hanti ka badan 1.6 milyan oo tan in dakadda jabuuti ay ku uruurto.

 

 

 

Itoobiya waxay dhawaan si weyn u hadal haysay baahida dhinaca lacagta adag oo dalka ugu habsatay.

 

 

Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali isaga oo baahidaa ka duulaya wuxuu dhawaan amar uu ka bixiyey muwaaddiniinta lacagta adag gacanta ku haya iney bangiyada ay ku soo celiyaan oo ay ka sarriftaan maadaamaa sarrifka bangiyada dowladda iyo kuwa suuqa madow uusan farqi u dhaxeyn.