Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Cabdi oo Casho Sharaf Ku Qaabilay Weftigi Xildhibaanada aha ee Ka Yimi Dalka UGANDA

0
Friday July 20, 2018 - 21:49:45 in by salman abdi
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Cabdi oo Casho Sharaf Ku Qaabilay Weftigi Xildhibaanada aha ee Ka Yimi Dalka UGANDA

    Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Cabdi oo Casho Sharaf Ku Qaabilay Weftigi Xildhibaanada aha ee Ka Yimi Dalka UGANDA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Cabdi oo Casho Sharaf Ku Qaabilay Weftigi Xildhibaanada aha ee Ka Yimi Dalka UGANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeennimadii xalay kulan casho sharaf ah la qaatay wefdi xildhibaanno

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeisa (Burcoonline) 20.07.2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeennimadii xalay kulan casho sharaf ah la qaatay wefdi xildhibaanno iyo masuuliyiin kale isugu jira ka socda dalka Ugandha, kuwaas oobooqasho ku jooga Somaliland.

 

 

Kulankaas oo ay madaxweynaha kala soo qaybgaleen, gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, gudoomiye ku xigeenka wakiiladda, mudane. Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhiga, Mudane. Ciise Axmed Yuusuf, Horumrintabiyaha, mudane. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, marwo, Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud Baandarre, Shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, agaasimaha guud Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdinaasir Axmed Xirsiiyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.

 

 

Munaasibadda casho-sharafta ah, ayaa ahayd mid uu madaxweynuhu ku maamuusay xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda waddanka Uganda, islamarkaana lagu muujinayey xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Ugnada.

 

 

Xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda dalka Uganda oo muddo kooban ku sugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhawaan kasoo noqday booqasho ay ku tageen marsada caalamiga ah ee Berbera, iyaga oo soo indho-indheeyey dhaqdhaqaaqa ganacsi ee halkaas ka socda