Hargeysa"Ujeedada Soomaaliya Waa Sidii Ay Inoo Go'doomin Lahaayeen, Oo Cuno Qabatayn Inoo Saari Lahaayeen, Shaqo Kalena Ma Leh, Laakiin Ku Guulaysan Maayaan" Wasiir Sacad
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inay doonayso inay go'doomiso Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay ku guulaysan doonin.
Wasiir Sacad Cali Shire oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu
ka hadlay eeddo ay xildhibaano golaha wakiilada ka tirsani dhawaan u jeediyeen,
waxaanu sheegay inaanay nidaam ahaan wanaagsanayn in masuuliyiinta dawladu
hawada isu mariyaan eeddo, laakiin ay ku wada xidhiidhaan nidaam dawladnimo.
Wasiir Sacad oo ugu horayn ka hadlaya arrimaha xajka wuxuu yidhi "Sida aan
warka ku hayo waxba iskamay bedelin xajkii,Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
ayaana inoo qaabilsan,markaas wax la inaga joojiyey ma jirto”.
Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi "Inaga ayaa Somaliya la
midoownay,inaga ayaana dib ugula soo laabanay xoriyadeenii si shuruud la’aan
cadaadis iyo dulmi badan oo la inagu hayey dartood, hagardaama ay Somaliya
inagu haysaana maaha wax cusub ee waa joogto haddii ay noqoto hagardaamo
dhaqaale,hagardaamo siyaasadeed iyo hagardaamo farsamaba,ujeedaduna waa
sidii ay inoo godoomin lahaayeen,oo cuno qabatayn inoo saari lahaayeen,shaqo
kalena ma leh,laakiin ku guulaysan maayan,sababtoo ah Somaliland xaq bay ku
taagan tahay,xaqaana guulaysta”.
Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay in isbedel ku yimid xidhiidhka
Somaliland Iyo Beesha Caalamka ayaa ku jawaabay "In Xidhiidhka aynu la
leenahay Caalamku sii hagaago mooye,wax is bedela oo dib u dhaca oo ku yimid
ma jirto,waxaana Beesha Caalamka ugu baaqayaa in xaqa aanu u leenahay
aqoonsiga inay na siiyaan,Somaliya kama mid nihin,kamana mid noqon
doono,laba dal oo jaara ayaanu nahay Caalamkuna uu ka war qabaa,waxaanu
qabsanay iyo horumarkaynu gaadhnay Caalamku uu ka dharagsan yahay ee
Ictiraafkaas aanu uga fadhino Caalamka waanu ka filaynaa”.
Mar aanu wax ka weydiinay haddii Somaliya ku adkaysato inay kaligeed
maamusho Maamulka Hawada mawqifka Somaliland, wuxuu ku jawaabay "Wixii
lagu heshiiyey haddii la hirgelin waayo,wixii laga maarmi waayo ayaanu yeeli
doonaa,waana laga taashan doonaa,hawadeenana in cid aan inaga ahayni
maamusho ogolaan mayno”,
Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay eeddo ay u soo jeediyeen Xildhibaano ka
tirsan Guurtida iyo Wakiilada ayaa yidhi "Anigu Xildhibaanada kalama yooyooltamayo
Saxaafadda labadaba xil baa saaran,oo xil qaran baa saaran,muwafin
kasta oo reer Somaliland xil baa saaran,mana wacna in Saxaafadda la iskugu
jawaabo,ee si nidaam iyo baratakool leh in la isku baraarujiyo ayaa haboon.”
Hargeysa"Ujeedada Soomaaliya Waa Sidii Ay Inoo Go'doomin Lahaayeen, Oo Cuno Qabatayn Inoo Saari Lahaayeen, Shaqo Kalena Ma Leh, Laakiin Ku Guulaysan Maayaan" Wasiir Sacad
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inay doonayso inay go'doomiso Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay ku guulaysan doonin.