Washington:-Carruur badan oo soo galooti ah iyo waalidkood oo dib ugu midoobay Maraykanka.

0
Friday July 27, 2018 - 11:05:53 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Carruur badan oo soo galooti ah iyo waalidkood oo dib ugu midoobay Maraykanka.

    Washington:-Carruur badan oo soo galooti ah iyo waalidkood oo dib ugu midoobay Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Carruur badan oo soo galooti ah iyo waalidkood oo dib ugu midoobay Maraykanka.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu dib u mideeyay in kabadan 1,800 oo carruur soo galooti ah iyo xubnaha qoysaskooda, arrintaas oo lagu beegay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee maxkamadi ay amarka ku bixisay.

Carruuurtaas waxaa ka mid ah 1,442 carruur ah oo dib ula midoobay waalidkood oo ku jira goobo dadka lagu hayo oo waaxda socdaalku ay leeyihiin.

Laakiin in kabdan 700 oo carruur ah ayaan sharci ahaan waalidkood lala midayn karin, kuwaasna waxaa ka mid ah 431 carruur ah oo waalidkood aysan Maraykanka ku sugnayn.

Masuuliyiinta ayaa in kabadan 2,500 carruur ah ka qaaday dad qaangaar ah oo aan sharci haysanin.

Dawladda ayaa soo saartay siyaasad "dulqaad la’aan ah” oo ka dhan ah soogalootiga sharci la’aanta ah ee ka yimaadda dhanka xadka Mexico.

Balse madaxweyne Donald Trump ayaa arrintaas ka laabtay bishii hore, ka dib markii uu la kulmay mucaaradad xoog leh.