War Deg Deg Ah:-Maxkamad Xabsi Dheer U Dirtay Nin Lagu Qabtay Haragga 10 Shabeel+Goobta Laggu Xukumay.

0
Monday July 30, 2018 - 13:24:51 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Maxkamad Xabsi Dheer U Dirtay Nin Lagu Qabtay Haragga 10 Shabeel+Goobta Laggu Xukumay.

    War Deg Deg Ah:-Maxkamad Xabsi Dheer U Dirtay Nin Lagu Qabtay Haragga 10 Shabeel+Goobta Laggu Xukumay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Maxkamad Xabsi Dheer U Dirtay Nin Lagu Qabtay Haragga 10 Shabeel+Goobta Laggu Xukumay. Dalka Itoobiya maxkamad ku taalla ayaa nin kuxukuntay labo sano iyo lix bilood oo xadhig ah kadib markii lagu heley isaga oo wata haragga 10 shabeel oo laga yaabo in uu ugaadhsaday.



 

 

Ninkan oo magaciisu yahay Caliyoow Kaasoow Xuseen ayaa sidoo kale lagu heley isaga oo wata xubno shabeel.

Booliiska gobolka Oromiya ayaanan kala caddeyn in ninkan uu isaga shabeelada soo dilay iyo in kale.


Waxaa la sheegay in muddada xabsiga ay intaas ka badan lahayd haddii lagu caddeyn lahaa in uu isaga yahay kan dilay shabeelada.


Noocan ugaarsiga ah waa wax iska caadi ah dalka Itoobiya, dowladdana aad ayay ula tacaashaa in ay ka hor tagto.


Zelalem Tedera oo ka tirsan hay'ad u doodda xuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in ugaarsiga aanan ruqsadda loo heysanin uu mamnuuc ka yahay Itoobiya, balse dhawaanahan ay aad usoo badanayaan dadka xayawaanka ugaarsada.


"Dhibka kama jiro sharciga, ee waxa uu ka jiraa dhaqangalintiisa" ayuu yidhi Tefera.