Ma Hogaamiyayaal Siyasadeed Mise Dayday Danaystayaa

0
Tuesday July 31, 2018 - 12:51:57 in by salman abdi
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Hogaamiyayaal Siyasadeed Mise Dayday Danaystayaa

    Ma Hogaamiyayaal Siyasadeed Mise Dayday Danaystayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Hogaamiyayaal Siyasadeed Mise Dayday Danaystayaa

Waxaa laga hayaa hooyo Somalilander ah "IDIN KALA GARAN MAYNEE GUULEYSTA”.Waxay ahayd Maalmo adag oo la kala saari kareyn ciidamadii dadkooda gumaadayey ee dawladii Somaliya,iyo dagaal yahanadii ururkii SNM waxa ku soo baxday iyada oo sidan filayo ka carareysa madaafiicdii,diyaaradiihii gantalada la beegsanayey dadka rayidka ah iyo ciidamadii lugta ee ugaadhsanayey dadka ka gabanaya hubka culus ee lagu garaacayo guryahoodii. Waxa ay la noqotey in aaney si fudud u kala saari karan kuwii ay ka carareysey(ciidamadii qalabka siday ee Somaliya) iyo kuwii ay nabada bideysay ee nafta kula carareysey(Dagaal yahanadii SNM).


Kolkaas ayey ereyadaasi ka soo baxeen afkeeda iyada oo dareenkeeda maalintaasi aad u kacsan

yaay!.
Maanta waxaa laga joogaa maalintaasi 30 sano,jawigu waa ka duwan yahay maalintaasi inkasta oo aynan taariikhda qiimeyn,xusin maalmihii qadhaadhaa,kuna wanaagsaneyn keydinta taariikhdii geesiyaashii dalkooda iyo dalkooda naftooda u huray,meelaha taariikhiga ah ee wadankaygan Somaliland hadana waxaa ii muuqda in manta hadii aan wax badan la sixin ay soo noqon doonto maalintaasi hooyadaasi ereyadaa culeyska badan lahayd.Sababta aan sidaa u leeyahayna waxaa banaan kaalintii hogaaminta ee xisbiyada Somaliland oo tayo xumo la tiicaya,barnaamujyo warqado uun kuqoran,wax qabad aniga uun ku saleysan,qorshe la’aan strajiyad xumo ama aan jirin aragti siyaasadeed oo aaney lahayn,Xin iyo xaasid danaysi iyo xil jaceyl intaas oo ay u dheer tahay wax walba mucaarid kol hadii aaney dantaada gaarka ahi ku jirin,maxaa kaa galey dalka iyo dadka ka shaqeyso oo ha u shaqeyn.Intaasiba waxay astaamo u noqdeen hogaamiyaalka xisbiyada Somaliland guud ahaan gaar ahaan kuwo mucaaridka ah oo aad moodo in intii ugu tayada liidatey xaga hogaaminta iskugu habar wacatey.

Waxaa tiro beelay khaladka ay hogaamiyaasha xisbiyadu ka galaan wadanimada,qaranimada iyo sharafta umada somaliland,waxaa aynu ku difaacnaa reernimo,waxaynu ku ilaalinanaa reernimo iyaga oo aynu og nahay in aaney reer qaran iyo dan yarta somaliland midna wax u tarin waxay ay yeelaan mooyaane hadii xitaa reernimo wax ku qiimeyneyno lagama waayin reerna rag u qalma oo wadaniyiin ah daacad ah oo ka xishoonaya iney horumarka dalkooda iyo dadkooda wax yeeleeyaan balse ma doonayno oo waxaa aynu rabnaa khaayimiin ee ma rabna dad daacad ah oo ay dhab ka tahay kana go’an tahay in ay wadankooda dhisaan wax taraan, aqoontooda,wakhtigooda u huraan.Tusaale Xukuumada hada haysa talada ee Mudane Muuse Biixi waxaa ku jira rag badan oo dhalin yaro,aqoon yahano daacadnimo intaba ku suntan oo dalkooda iney wax u qabtaan raba hadana Beelaha ay ka soojeedaan maalin walba waxay u xusul duubayaan in xilka laga qaado oo lagu bedelo kuwii horaba wax uga keeniwaayey xukuumadihii hore halkaas waxaad ka arkeysaa in xitaa keena wanaagsan ee daacada ah in aynaan rabin oo xitaa reerkiisii ka soo horjeedo. Su’aasha jawabta u baahani waxay tahay sidee qaran dadkiisu sidaa u fikirayo u horumari karaa? Anigu wax jawaab ah uma hayo aan ahay IDIN KALA GARAN MAYNEE GUULEYSTA!

Reernimada Somaliland waa hubka ay adeegsadaan tuugada siyaasada ee somalilanderku,ma aha mid salka ku haysa rabitaanka dhabta ah ee beelaha Somaliland balse waa falsafad ku saleysan wakhtiga doorashooyinka ee dadkayga aan bileyska siyasadeed lahayn. Reerahu waxay u baahan yihiin horumar bulsho siyasadeed iyo idealoyi ku saleysan cadaalad iyo sinaan dhameys tiran oo mideysa qaranimadooda somaliland balse uma baahna Fake News salka ku haysa weedho madhan oo danaysi aan dhafsiisney maalin qadadeed balse waxaa simaysaa waa Caafimad,waxbarsho,nabad gelyo iyo dhaqaale loo fikirey oo dalka lagu horumariyo taasina waxay ku iman kartaa siyaasiin karti aqoon,daacadnimo leh oo aynu u xulano hogaaminta balse inta aynu sacabka u tumeyno wax matare,iyo afku xoogade kuna difaacayno waa reer hebel waa inaga dheer tahay guul iyo gobanimo.

rashiid64@outlook.com