Washington:-Shaqaale caafimaad oo Maraykanka ku cunsurieeyay haweenay dhimanaysa.

0
Wednesday August 01, 2018 - 08:51:27 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Shaqaale caafimaad oo Maraykanka ku cunsurieeyay haweenay dhimanaysa.

    Washington:-Shaqaale caafimaad oo Maraykanka ku cunsurieeyay haweenay dhimanaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Shaqaale caafimaad oo Maraykanka ku cunsurieeyay haweenay dhimanaysa.

Afar ruux oo oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka degdegga ah bixiya oo lagu eedeeyay in ay midab takoor dartii gargaar caafimaad u siin waayeen haweenay dhimanaysa ayaa wajahaya dhagaysi dhanka anshaxa ah maalinta Talaadada.

Crystle Galloway hooyadeed ayaa sheegtay shaqaalaha caafimaadka ee Tampa ee gobolka Florida ay iska qiyaasteen in qoyskaas aysan awoodi karin kharashka ambalaasta.

Hooyada dhashay haweenaydan 30 jirka ah ayaa markaas go'aansatay in ay gaarigeeda ku gayso isbitaalka, intii ay sii wadayna Crystle ayaa miyir daboolan tay markii uu dhiig kar ku soo booday, waxayna dhimatay shan maalmood ka dib.

Masuuliyiinta deegaanka Hillsborough ayaa haddaba aqbalay masuuliyadda.

Arrintan ayaa dhacday 4 bishii Luulyo ee sannadkan, maalmo uun ka dib markii Crystle ay ku dhashay qalliin.

Hooyadeed Nicole Black ayaa wacday 911, ka dib markii ay aragtay gabadheedii oo suuliga ku dhacday faruuryuhuna barareen.

Shaqaalaha caafimaadka ee gawaarida gurmadka degdegga ah la socda ayaa yimid dabaqii saddexaad ee ay daganayd Crystle, waxayna geeyeen hoos.

Hoyadeed ayaa saxaafadda Maraykanka u sheegtay "in ay ku celceliyeen in ay u baahantahay in isbitaal la geeyo? Iyaduna ay haa ku celcelinaysay iyadoo baryaysa.

Balse Nicole waxay sheegtay in badalkii ay ambalaasti saari lahaayeen ay gaarigeeda galiyeen gabadhii.

"Dhiigga kama aysan cabbirin, qandhadeeda maysan cabbirin, waxyaabihii muhiimka ahaa oo dhan kama aysan cabbirin" ayay tiri Nicole.

"Waxay wakhtigoodii galiyeen in ay nagu qanciyaan in aanaan awoodi karin in aan iska bixino lacagta ambalaasta".

"Waxay daliil ka dhiganayeen, soo ilmo yar ma haysataan? Xaqiiqo ahaan miyaad u baahan tihiin in meel dhaw 600 oo doolar ka bixisaan

Nicole waxay sheegtay in shaqaaluhu ay 12 daqiiqo ugu baaqayeen in ay gabadheeda isbitaalka gaysato, Crystle ay markaas dhulka taallay.

Boqolaal ruux oo Maraykankan ah oo aan haysanin caymis caafimaad ayay ambalaastu ugu kici kartaa boqolaal doolar amaba kumannaan doolar.

Sida lagu qoray bogga lacagaha la isugu arruuriyo ee GoFundMe, gabadhaasi waxay ka tagtay labo carruur ah oo mid ka mid ah uu lix maalmood jiro.

Mike Merrill oo masuuliyiina deegaan kaas ka mid ah ayaa shir jaraa'id ka qiray Isniintii "in ay ku guuldarraysteen in ay adeeg caafimaad oo wanaagsan siiyaan haweenaydaas".

"Shaqaalahanagu khaladaad badan ayay sameeyeen, masuuliyaddana waan qaadanaynaa" ayuu yiri waxaa kale oo uu qiray in shaqaalaha caafimaadku aysan haweenayda ka baarin xataa waxyaabihii aasaasiga ahaa.

Waxaa kale oo uu sheegay in shaqaaluhu ay ka beensheegeen in ay garan waayeen guriga ay gabadhu ku sugnayd.

"Haddii ay arrintani la xiriirto midab takoor waa in aan xallinaa si bulshadu ay u hesho adeeg caafimaad".

Afartii ruux ee shaqaalaha ahaa oo kala ah , Lt John "Mike" Morris oo 36 jir ah, Justin Sweeney oo 36 jir ah, Andrew Martin oo 28 jir ah iyo Courtney Barton 38 jir ah ayaa fasax qasab ah loo diray.