Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Iclaamiyay Xiliga Ay Caasimada Somaliland Helayso Biyo Ku Filan.

0
Monday September 01, 2014 - 18:53:16 in by salman abdi
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Iclaamiyay Xiliga Ay Caasimada Somaliland Helayso Biyo Ku Filan.

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse ayaa sheegay in Mashruucyo Biyaha Hargeysa lagu balaadhinayo marayaan gabo-gabo islamarkaana sanadka 2015-ka Hargeysa helayso Biyo ku filan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse ayaa sheegay in Mashruucyo Biyaha Hargeysa lagu balaadhinayo marayaan gabo-gabo islamarkaana sanadka 2015-ka Hargeysa helayso Biyo ku filan.

Wasiirka oo faah-faahin ka bixinayay kulan ay yeesheen Guddida horumarinta Biyaha Hargeysa, wasaaradda Biyaha iyo Shirkadda Imaaraadka ee Wadda Mashruuc biyaha lagu balaadhinayo oo Imaaraadku ku deeqay ayaa sheegay in Xukumaddani wax weyn ka qabtay Biyaha.

Waxa uu wasiirka Wasaarada Warfaafinta somaliland ka dhawaajiyay In ay Xukuumadu Mar walba ku dadaalayso Sidii ay Caasimada hargaysa uga haqab Tiri Lahayd,Waxaana uu Cadeeyey in Sanadka 2015KA Biyo ku filan laga heli doono Hargaysa.

"Sidaad ogtihiin waxay Xukumaddu ku dadaalaysaa sidii Caasimadu u heli lahayd Biyo, marbana siday suurto gal

ka u tahay ayaa loo wadayaa, Caasimaduna biyihii way helaysaa, sidii balan qaadku ahaana sanadka 2015-ka oo wax yari inaga xigaan Biyahaasi waa la wada cabbayaa”

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Farsama-yaqaanada Wasaaradda biyaha iyo Injineero Shirkadda Imaaraadka ee hawshan wadaan todobaadkan dhamaynayaan hawshooda"

"Waxaanu dhagaysanaynay Warbixintii Farsamo yaqaanadii hawsha gacanta ku hayay, hawshiina way socotaa, wax ka xannibana ma jiraan hawshuna way fulaysaa.

Waxaanan maanta ku faraxsanahay in Injineeradii Wasaaradda Biyaha iyo Injineeradii Shirkadda Imaaraadka ee Wadday si fiican hawsha u wadaan waanay soo gaba-gabaynayaan Todobaadkan”ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Si kastaba ha ahaatee Madashaa uu wasiirka wasaarada warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse kaga hadlay Biyaha ayaanu kasoo xaadirin masuuliyiinta Wasaarada Biyaha Somaliland.


Contact@afkashacabka.com