Hargeisa:-Wasiir Guri-barwaaqo Oo Dadka Reer Somaliland Uga Digay Adeegsiga Qabyaalada.

0
Friday August 03, 2018 - 10:40:42 in by salman abdi
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Wasiir Guri-barwaaqo Oo Dadka Reer Somaliland Uga Digay Adeegsiga Qabyaalada.

    Haregisa:-Wasiir Guri-barwaaqo Oo Dadka Reer Somaliland Uga Digay Adeegsiga Qabyaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haregisa:-Wasiir Guri-barwaaqo Oo Dadka Reer Somaliland Uga Digay Adeegsiga Qabyaalada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in laga gudbo Marxaladda wax walba lagu miisaamo Qabyaaladda isla-markaana loo gudbo in Dadka lagu qiimeeyo Aqoontooda.

 

 

Wasiir Guri-barwaaqo wuxuu sheegay inay khalad tahay in Dadku marka ay ka fikirayaan Hawlaha Wasaaraduhu Qaranka u hayaan loo baahan yahay in aanay ka eegin dhinaca Qabyaaladda ee ay ka eegaan Aqoonta oo Qof kasta lagu qiimeeyo heerka Aqoontiisu gaadhsiisan tahay.

 

 

 

Wasiir Guri-barwaaqo oo hadal ka jeediyey Madal lagaga hadlayey Xeerka Saxaafadda Somaliland, ayaa sheegay in wixii ka horreeyay Xilligii Somaliland Madax-bannaanideeda ka qaadatay Ingiriiska aanay Dadka reer Somaliland aqoonin Qabyaaladda, isagoo tusaale u soo qaatay in lixdankii markii Somaliland xorrowday ay Maamulkii Xilligaa Xilal ka hayeen Masuuliyiin dhammaantood Walaalo ah, waxaanu yidhi "Maalintaynu Calanka qaadanay Wasaaradda waxbarashada waxa haystay Xasan Maygaag Samatar oo Maanta Nool, waxa ku-xigeenkiisa ahaa Cumar Maygaag Samatar oo Walaalkii ah, Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta waxa joogay Ismaaciil Maygaag Samatar oo Walaalkood ah, Idaacadda waxa joogay (Maamulayey) Yuusuf Maygaag Samatar oo Walaalkood ah, Qof Somaliland jooga oo yidhi maxaa loo geeyay ma jirin, Waayo? Aqoon bay ku tageen. Waakaa Xeerka iyo Dawladnimada aynu doonaynaa, Dawladnimada aynu rabnaa waa inay taa noqotaa…”

 

 

 

 

Wasiir Cabdiraxmaan Gur-barwaaqo waxa kale oo uu sheegay "Wasaaraduhu aqoon bay u baahan yihiin in lagaga shaqeeyo, maaha in inta Wasaaradaha sidaa loo eego la yidhaahdo reer Hebel kama muuqdaan, sidee lagu helayaa? Waa inuu jiraa Xeer qabanaya oo ka aan Aqoonta lahayn joojinaya, kii Aqoon lehna keenaya.” Ayuu yidhi.