Madaxwaynaha Wadanka Ruushka Oo Tageeray Wada Hadal U Furma Isaga Iyo Ukriane.

0
Monday September 01, 2014 - 19:16:41 in by salman abdi
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Wadanka Ruushka Oo Tageeray Wada Hadal U Furma Isaga Iyo Ukriane.

    Madaxweynaha dalka Ruushka Putin ayaa ku baaqay wadahadal degdeg ah oo looga hadlayo sidii dawlad ay u noqon lahaayeen gobollada bariga dalka Ukraine,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Ruushka Putin ayaa ku baaqay wadahadal degdeg ah oo looga hadlayo sidii dawlad ay u noqon lahaayeen gobollada bariga dalka Ukraine,


taas oo qeyb ka noqoneysa wada xaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka.

Mr Putin ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay "Danaha sharciga ah” ee dadka ku nool bariga dalka Ukraine inay waajib tahay in la difaaco.

Weriyaha wariye ku sugan halkaas ayaa sheegay in hadalka Putin uu calaamad u yahay cadaadiska maamulka Kiev kaga imaanaya Moscow ee ah in wadahadal toos ah ay lagalaan dagaal yahaniinta taageersan Ruushka.

Hadalka Mr Putin ayaa imaanaya maalin ka hor, wadahadalada lagu qabanayo Minsk, ee u dhexeeya Ukraine, Ruushka iyo Midowga Yurub, si looga xaajoodo qalalaasaha.

Kullankaasi ayaa daba socdo digniinaha Brussels iyo Kiev ee ah in gobolkaasi uu ku dhow yahay inuu ku dhaco xaalad aan ka soo noqosho lahayn.

Madaxweynaha Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay taageerada reer Yurub ay siiyaan dowladda Kiev.

Dhanka kale, warbaahinta Ruushka ayaa ku warramaya in Ukraine ay Ruushka ku wareejisay maxaabiis, halka Ruushkana uu kaga badashay 63 maxaabiis askar Ukraine ah.  


Contact@afkashcabka.com