War Deg deg Ah Qarax Ismiidaamin Ah  Oo Hada ka dhacday degmada Afgooye +Khasaraha Ka DHashay.

0
Sunday August 05, 2018 - 16:34:20 in by salman abdi
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg deg Ah Qarax Ismiidaamin Ah  Oo Hada ka dhacday degmada Afgooye +Khasaraha Ka DHashay.

    War Deg deg Ah Qarax Ismiidaamin Ah  Oo Hada ka dhacday degmada Afgooye +Khasaraha Ka DHashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg deg Ah Qarax Ismiidaamin Ah  Oo Hada ka dhacday degmada Afgooye +Khasaraha Ka DHashay.

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Afar ruux ku geeriyoodeen tiro kale oo ka badan 10 ruux-na ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo halkaa ka dhacay.

Dadka weerarkan ismiidaamin ah ku dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jireen dad shacab iyo ciidamo ka tirsan dowladda, kaddib markii gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu weeraray goob canshuuraha lagu qaado.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarkan uu intaa ka badan karo.

Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa horay saddex jeer siddaan oo kale lagu qaaday Weeraro toos ah iyo Qaraxyo ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.

Dhinaca kale wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in shan askari ku dhaawacmeen qarax lala eegtay Abaanduulaha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka Cali Cariif.

Qaraxan ayaa ka dhacay gudaha Ex Warshadii hore ee Dharkan ilaa iyo haddana war ah kama soo bixin dhinaca maamulka gobolka Shabeellaha dhexe.

Subxnimadii hore ee saakay ayeey aheyd markii ciidamada dowladda ay toogasho ku dileen gudaha magaalada Muqdisho rag hubeysnaa oo la socday gaari yar kaddib markii ay ciidamadu ka shakiyeen.