War Deg Deg ah Doon Ku Degtay Badda Udhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga Oo Ay Ku Geeriyoodeen Dad Badan Oo Reer Somaliland ah

0
Monday September 01, 2014 - 23:36:13 in by salman abdi
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah Doon Ku Degtay Badda Udhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga Oo Ay Ku Geeriyoodeen Dad Badan Oo Reer Somaliland ah

    Doon ay saarnaayeen dhalinyaro u badan reer Somaliland ayaa, la sheegay in ay habeen hore ku degtay Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doon ay saarnaayeen dhalinyaro u badan reer Somaliland ayaa, la sheegay in ay habeen hore ku degtay Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, iyadoo
sida la sheegay ay intooda badani ku geeriyoodeen doontaasi.
 
Sida ay Afkashacabka u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii doontaasi saarnaa,oo goor dhaweyd soo gaadhay liibiya waxa ay doontaasi ku degtay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga habeen hore kadib markii ay ka shiraacatey liibiya, habeenimadii Sabtida ee todobaadkan.
 
Axmed Geedi oo kamid ah dadka ku sugan liibiya oo hadhwanaagnews ugu waramey khadka Isgaadhsiinta isagoo jooga Tripoli ayaa sheegay in dadka ku dhintey doontaasi ay u badnaayeen dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar oo dhamaantood u dhashey Dalka Somaliland,waxaanu xusay in ay doonataasi saarnaayeen sagaashan iyo dheeraad islamarkaana, ay ka badbaadeen sadex iyo labaatan qof oo kamid ah halka 17 ay ahaayeen dumar inta kalena ay ahaayeen rag.

 
"Doontu waxey ka baxdey Tripoli habeenkii sabtidii waxaanay degtay habeen hore waxa ku dhintey in ka badan todobaatan qof maxaa yeelay waxa saarnaa sagaashan iyo dheeraad todoba iyo toban ayaa ahaa gabdho halka inta kalen ay ahaayeen rag waxana ka badbaadey sadex iyo labaatan qof oo kaliya"Sidaa waxa yidhi Axmed Geedi oo kamid ah dhalinyarada u dhashey Somaliland ee hada ku sugan dalka Liibiya isagoo Sheegay in uu Goor dhaweyd ka tagey wiil magaciisa layidhaa Maxamed Xasan oo ka badbaaday Doontaasi.

 
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in ay garanayaan dhalinyaro badan oo dhashey Somaliland oo ku geeriyooday doontaasi.
 
Ma aha markii ugu horeysay ee doon ku degta badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya ay ku geeriyoodaan dhalinyaro u dhashey Somaliland oo ka tahriibay Magaalooyinka Somaliland,waxaana dhawaan ku degtay baddaasi doon kale oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro Reer Somaliland ah,waxaanay tani noqoneysaa tiradii ugu badneyd ee Ku Leeday Badda u dhexeyysa Talyaaniga iyo Liibiya,maadaama ay todobaataneeyo ku geeriyoodeen.



Contact@afkashacabka.com