"Xagaagani Waxa Uu Ahaa Kii Ugu Dadka Badnaa, Wasaaradda Duulista Waxay Ku Guulaysatay " Maamulaha Madaarka Cigaal

0
Monday September 01, 2014 - 23:42:33 in by salman abdi
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xagaagani Waxa Uu Ahaa Kii Ugu Dadka Badnaa, Wasaaradda Duulista Waxay Ku Guulaysatay " Maamulaha Madaarka Cigaal

    Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka hadlay Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka hadlay noqoshada dadka Qurba-jooga reer Somaliland ee dalka yimid wakhtigii xagaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka hadlay Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka hadlay noqoshada dadka Qurba-jooga reer Somaliland ee dalka yimid wakhtigii xagaaga, isaga oo sheegay in ilaa hada aanay jirin wax caqabada oo soo wajahday dadkaasi.

Maamulaha Madaarka ayaa waxa uu xusay in sanadkani oo ahaa Xagaagii ugu badnaa ee dalka ay yimaadeen Qurbajoog kumaan qof gaadhayaa inay ay ugu shaqeeyeen sidii ugu haboonayd.
Maamule Maxamed Yuusuf ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay waraysi uu maanta siiyey Talafshinka madaxabanaan ee Bulsho TV waxaanu yidhi "Xiliga aynu ku jirnaa sida la wada ogsoonyahay waa xiligii xagaaga ee dadka reer Somaliland ee dalkooda yimid ay noqonayeen ama dadka kale ee xagaaga halkan yimi, runtii waanu ka soo gudubnay wakhtigan oo dadka badankoodii way wada noqodeen, wax dhib ahna kalama aanan kulmin, taas aynu bulshada reer Somaliland u gudbinaynaa, sanadkan si qurux badan ayey noogu dhamaatay.”

"In dadkaa dalka yimid ay si wanaagsan ugu ambabaxaan waxa keentay ,cabatin badan ayey hore dadweynaha ka muujin jireen adeega madaarka, balse sanadkan u diyaar garow xagaaga ah iyo qorshe midaysan ayaanu samaynay ka Wasaarad Duulis ahaan iyo maamul ahaanba , waxa la balaadhiyey madaarka qaybihiisa kala duwan, kayuuga ay dadku galayeen oo dhib ku ahaan jiray wax ayaanu ka badlanay, shaqaalhiina tababaro la xidhiidha shaqadooda aanu siinay, taas ayaanu odhan karnaa waxyaabaha hawshan noo sooru galiyey in ay si qurux badan noogu dhamaato hawsha Xagaagu, waa markii ugu horaysay ee ay dad intan le’egi ka soo dagaan madaarka caasimada ee Cigaal International Airport tan iyo intii aynu Xoriyadeena la soo noqonay, intii hore dadku waxa ay ka soo dagi jireen madaarada Jigjiga ,Jabuuti, iyo Berbera, laakin Sanadkan halkan ayey u soo wareegeen dhamaan duulimaadyadaasi.”

Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sidoo kalena intaasi ku daray ” Madaarka Qaybta dhoofayaasha dadka waxaanu ugu qabanaa shaqo wanaagsan oo ilaa qofku baxayo amaankiisa waanu ilaalinaa shaqo fiican ayaanu u qabanaa qof walibana isaga oo raali ah ayuu baxaa, markaa waxaan odhan karaa waa lagu guulaystay hadafkii laga lahaa Madaarka Cigaal International Airport, oo way ku guulaysatay wasaaradda duulista hawadu, waxaanu kaloo u mahad naqaynaa diyaaradaha shirkada Daallo Airlines, Juba Airways, iyo Ethiopian Airline oo ilaa hada jadwalkii ay noo soo gudbiyeen xagaaga ka hor aanu waxba iska badalin, qofna aanu dib u dhac ku iman,” ayuu yidhi Maamule Maxmed Yuusuf Ismaaciil.




  Contact@afkashacabka.com