Yuhuudda Oo Dhul Hor Leh Ka Boobtey Reer Falastiin

0
Tuesday September 02, 2014 - 07:45:04 in by salman abdi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuhuudda Oo Dhul Hor Leh Ka Boobtey Reer Falastiin

    Maamulka Isra'iil ayaa Axaddii shalay shaaciyey inuu la wareegayo dhul baaxadiisu dhan tahay 400 hectares oo ku yaal duleedka magaalada Bethlehem.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Isra'iil ayaa Axaddii shalay shaaciyey inuu la wareegayo dhul baaxadiisu dhan tahay 400 hectares oo ku yaal duleedka magaalada Bethlehem.


Dhul boobkan Isra’iil ku dhawaaqday ayaa ah kii ugu balaadhnaa oo lagula wareego dhulka Falastiin muddo 30 sano ah.

Deegaankan oo ka mid ah dhulka yar ee Falastiiniyiinta u hadhay ee ku yaal Daanta Galbeed ee wabiga urdun ayey Isra’iil dooneysaa inay ka dhisato 1000 guri oo la siinayo Yuhuuda doonaya inay la wareegaan dhulka Falastiin.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii xabad joojin laga gaadhay dagaalkii Gaza oo ay ku dhinteen in ka badan 2 kun oo Falastiiniyiin ah.


Qaar kamid ah dalalka Beesha Caalamka ayaa cambaareeyey talaabada dhulkan lagula wareegayo, walow Isra’iil ayna inta badan isku mashquulin dhaliisha beesha Caalamka.



 Contcact@afkashacabka.com