Lix Waxyaabood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Saxiixa Cusub Ee Man Utd Falcao.

0
Tuesday September 02, 2014 - 08:00:56 in by salman abdi
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix Waxyaabood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Saxiixa Cusub Ee Man Utd Falcao.

    Manchester United ayaa sameysay saxiixii ugu weynaa maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga iyagoo si lama filaan ah amaah kula soo wareegay weeraryahanka Monaco Radamel Falcao.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa sameysay saxiixii ugu weynaa maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga iyagoo si lama filaan ah amaah kula soo wareegay weeraryahanka Monaco Radamel Falcao.


Louis van Gaal ayaana kaga badiyay tartanka saxiixiisa kooxaha Premier League ee Manchester City iyo Arsenal iyadoo lacagta ay qarashgareeyeen ay iminka ku dhawaaneyso 200 milyan ginni.

Waxaan halkaan idin kugu soo bandhigeynaa lixwaxyaabood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato gooldhaliyaha reer Colombia.

1Falcao García Zárate waxaa loogu magacdaray ciyaaryahankii khadka dhexe ee Brazil Paulo Roberto Falcao, kaasoo ka dhex muuqday Koobkii Adduunka ee 1982.

2Falcao ayaa ku biiray kooxda Lanceros Boyaca ee heerka labaad ee kubada cagta Colombia, waxaana uu kulankiisii ugu horeysay saftay 1999kii isagoo kaliya 13 sanno jir ah.

 

3Xaaskiisa waa Lorelei Taron, waa heesaa u dhalatay dalka Argentina, waxaana lamaanahan ay wadagaan gabar hal sanno jir ah oo la yiraahdo Dominique Garcia.

4 Falcao aabihiis oo la yiraahdo Radamel Garcia waxa uu isagana ahaa ciyaaryahan ku xamaasha xirfadaan. Waxa uu difaac ka ahaa horyaalka heerka koowaad ee Colombia 80meeyadii.

5 Markii Falcao la dhaawacay ka hor Koobka Adduunka 2014, taageerayasha Colombia ayaa hanjabaado dil ah u diray ciyaaryahankii dhaawacay isaga, daafaca kooxdaMonts d’Or Azergues ee Soner Ertek.

6 Falcao ayaa xitaa leh ciyaar gacmeedkiisa u gooniga ah oo la yiraahdo Falcao v Alliens, halkaasoo uu ku badbaadinayo ciyaarta quruxda badan, balse miyuu badbaadin doonaa Man United?



Contact@afkashacabka.com