Kolonyada Gaadiidkii Qaaliga Ahaa Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baxay Galbeedka Somaliland Iyo Dareenka Shacabkii Codka Siiyay

0
Thursday August 09, 2018 - 14:17:29 in by salman abdi
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kolonyada Gaadiidkii Qaaliga Ahaa Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baxay Galbeedka Somaliland Iyo Dareenka Shacabkii Codka Siiyay

    Kolonyada Gaadiidkii Qaaliga Ahaa Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baxay Galbeedka Somaliland Iyo Dareenka Shacabkii Codka Siiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolonyada Gaadiidkii Qaaliga Ahaa Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baxay Galbeedka Somaliland Iyo Dareenka Shacabkii Codka Siiyay

Kolonyadii Gaadiidka ahayd ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Todobaadkii hore ugu baxay Gobolada Galbeedka Somaliland ee ay sawiradooda Qurxoon Bulshada la wadaagayeen Sawir Qaadayaasha Madaxtooyadu ayaa dood culus ka abuurtay Baraha bulshada Somaliland iyagoo dhalinyaradii doodaasi fikirkooda ka dhiibtay ay badankoodu hoosta ka xariiqeen inaanay marnaba ka filayn Madaxweyne Muuse Biixi inuu Gaadiid qaali ah oo tiradaasi leeg isdaba galiyo,islamarkaana uu la yimaado Tashliil la’aanta intaasi leeg.


Qaar ka mid ah Dhalinyaradii u codaysay Madaxweyne Muuse Biixi ee sida weyn ugu ololaysay wakhtigii Doorashada Madaxtooyadda ee Dhamaadkii sanadkii hore ayaa qayb ka ahaa doodan Baraha bulshada lagu qaadaa dhigay ee ku saabsanayd kolonyaddii Gaadiidka ahayd ee uu Madaxweyne



Muuse Biixi Safarka ugu baxay Gobolada Awdal iyo Gabiley ee uu kaga soo qayb galay Munaasibadii loo qabtay Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama,waxaanay doodaasi markii dambe isku rogtay inay dhalinyartaasi isku waafaqaan inaanay Waxna sidii ay rabeen u socon, islamarkaana uu Madaxweyne Muuse Biixi ka leexday wixii ay bulshadii u codaysay ka filaysay,Waxa ay si weyn ugu dul istaageen inaanay marnaba ka filayn Madaxweyne Muuse Biixi inuu Xisaab la’aan dalka ku hogaamiyo iyo in Gaadiid qiimahoodu intaasi yahay,oo shidaalka ay isticmaalaanna laga dharagsan yahay uu isdaba galiyo waliba uu sawiradooda Bulshadda u soo bandhigo.

 

Dhalliyaradan ayay Doodoodu ka abuurantay kadib markii uu Bartiisa Facebookga Soo dhigay wiil dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah, Qoraal iyo Sawirka Gaadiidkan Ku saabsan oo uu Cinwaan uga dhigay "Mudane Madaxweyne Balanteena Kumay Jirin?”. taasi oo uu taageero iyo ugaraabis kaga helay dadkii kale ee doodaasi ka qayb qaatay kuwaasi intooda badan qoraalkoodu ku muujiyay sida ay uga xun yihiin inaanu Madaxweyne Muuse ka dhabayn balantii uu umadda u qaaday iyo dhiirigalintii uu Umadda siiyay ee ahayd inaanay dhici doonin in Xoolaha Umadda lagu tagrifalo oo sidaasi loogu tamashleeyo ama gaadiid sidaasi u qaali ah lagu iibsado. Wiilkan ayaa qoraalkiisa ku sii yidhi sidan "Walaal Duruufta Danyarta Dalka Joogta Ee Ka Ganacsata Tamaandhada Cashuurta Laga Soo Guro Ayaa V8 Lagu Soo Iibsadaa Waliba Garoo Shidaalkoodu Waa 3-Jibaar

Wiil kale oo lagu magacaabo Jeex ayaa isna doodaasi soo dhigay kalmado ama Qoraal Quluubta ku damqaya oo Madaxweyne Muuse Muuse Biixi si toos ah ula hadlaya waxaana uu yidhi "Madaxwayne, Wali Sidii Bay Umadaadu U Haraadan tahay,Wali Sidii Bay U Bilaa Laydh Tahay, Wali Sidii Bay U Bilaaa Cafimaad Tahay,Wali Sidii Bay U Bilaa Waxbarasho Tahay, Wali Sidii Bay U Bilaa Cadaalad Tahay,Laakiin Rajo Ayay Kaa Qabaan, Wakhtina Waad Haysataa, Dadkii Duubka Kuu Xidhey, Qaarbaan Dab Loo Shidin,Adna Gaadiidkii Qaaliga Ahaa Ayaad Soo Kordhisatay”. Waxa ay kalmadaha wiilkaasi soo dhigay taabteen Quluubta dad badan, waxaanay Madaxweynaha Xusuusinayaan inaanay umaddiisu marnaba ka niyad jabayn ee ay u baahan tahay inuu Waayahadooda la socdo oo uu xaal ogaado islamarkaana aanu xaalada nolosha ku qiimayn hadba inta ku xeeran.Dhinaca Kale ka hor intaan loo dhaarin Madaxweyne muuse Kursiga ee uu doorashada ku guulaystay uun, waxaa aad loo hadal hayn jiray oo la saadaalin jiray inuu meesha ka saarayo Gaadiidkan Qaaliga ee Dhiigbaxa ku ah Umadda,islamarkaana waxa la gaadhsiiyay saadaasha inuu wasiiradiisa xaataa ku khasbi doono inay isticmaalaan Gaadiidka Dadweynaha si uu Qaranka ugu tashliilo Canshuurta yar ee laga qaado hooyadda Tamaandhada ku iibisa Suuqa ee Qoraxda Fadhida,laakiin imika arin taasi ka duwani ay hadda muuqato.

Waxay doodaasi soo jiidatay oo ka qayb galay masuuliyiin Xilal ka haya Xukuumaddan Muuse Biixi iyo kuwo hore Xilal sare oo heer Wasiir ah ka soo qabtay Xukuumaddihii ka horeeyay, waxaanay aakhirkii doodaasi iskugu biyo shubatay in wakhti la siiyo Xukuumaddan cusub oo aan lagu deg deggin Dhaliisheeda iyo inaan sahal loo qaadan in mar qudha laga wada guuro nidaamkii ay Xukuumaddii hore dalka ku maamulaysa. Waxay sidoo kale Masuuliyiinta Xukuumaddani ka tirsani ku doodayeen in Muuse iyo Xukuumaddiisa la daayo maadaam oo ay Xukuumaddii horeba siday doonaan dalka u galeen,"Hala Cuno Wixii Lacuni Karo Ragii Muuse Ka Horeeyay Ayagaba Wadanka Way Madhiyeen Markaa Inaga Midna Naf Inooma Hayo Markaa Daaya Wadadii Kuwii Hore Ayuu Hayaaye”.