Wasiirka Caafimaadka Oo Jawaab Ka Bixiyay Dhaawaq Ka Soo Yeedhay Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga UCID.

0
Tuesday September 02, 2014 - 17:36:42 in by salman abdi
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimaadka Oo Jawaab Ka Bixiyay Dhaawaq Ka Soo Yeedhay Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga UCID.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa si adag u beeniyay hadallo ka soo yeedhay musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa si adag u beeniyay hadallo ka soo yeedhay musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan

, kuwaasi oo sheegay in shaqaale wasaaradda caafimaadka aanay wax mushahar ah qaadan muddo 9 bilood ah.

Waxaanu cadeeyay in ay waxba kama jiraan tahay arrintaasi ay ku hadleen Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan, isla markaana shaqaalaha wasaaradda caafimaadku ay mushaharkooda qaataan bil kasta dhamaadkeeda, haddii ay tahay kuwa xarunta wasaaradda jooga iyo shaqaalaha kale ee ka hawl gala goboladda iyo degmooyinka dalka.

Dr. Xaglo Toosiye oo shalay waraysi gaara siiyay wargeyska Dawan, ayaa sidoo kale wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalkaasi ka soo yeedhay nimankani madaxtinimadda ka doonaya dalka inay umada la hor yimaadaan been qayaxan. waxaanu yidhi "Waa been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxna kama jiraan, hadalka ay nimankaasi yidhaahdeen ee ah in aanay shaqaalaha wasaaradda caafimaadku muddo 9 bilood ah wax mushahar ah qaadan, shaqaalaha wasaaradda caafimaadku kuwa xarunta wasaaradda jooga iyo kuwa ka hawlgala gobolada dalka iyo degmooyinka, waxay mushaharkooda qaataan marka ay bishu sidaas u dhamaato, waa wax lagu qoslo in niman doonaya inay madaxweyneyaal ddalka ka noqdaan ay been sidaa u qayaxan oo aanay waxba ka jirin ay umadda la hor yimaadaan.”




Contact@afkashacabka.com