Wasiirka Gashan Dhiga Oo Ka Hadlay Shirka Xingalool iyo Qodobo Kale.

0
Tuesday September 02, 2014 - 17:41:23 in by salman abdi
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gashan Dhiga Oo Ka Hadlay Shirka Xingalool iyo Qodobo Kale.

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Waraysi uu la yeeshay Wargeyska Himilo kaga warramay ogaantiisa Wefti Wasiirro iyo Masuuliyiin isugu jira oo la sheegay inay Puntland u soo dirtay deegaanno ka tirsan gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Waraysi uu la yeeshay Wargeyska Himilo kaga warramay ogaantiisa Wefti Wasiirro iyo Masuuliyiin isugu jira oo la sheegay inay Puntland u soo dirtay deegaanno ka tirsan gudaha dalka Somaliland,

 la socoshadiisa Shirka Degaanka Xiin-galool ee gobolka Badhan ka furmay khamiistii inna dhaaftay oo shaki badan laga muujiyey Beelaha Warsangeli qaarkoodna qaaddaceen oo uu Wasiir ahaan hore u difaacay, dagaal la sheegay in Ciidanka Qaranku ka fuliyey gudaha Itoobiya iyagoo baacsanaya Kooxda la baxday Khaatumo iyo qodobbo kale.

cadamiWasiir Cadami waxa uu sheegay in Shirkaas ka furmay Xiin-galool Khamiistii uu si habsami ah u socdo, isla markaana wax dhibaato ah oo ka jirtaa jirin, mid ka soo bixi doontaana aanay jirin ee uu sidii loogu talagalay u socdo shirkaasi, isaga oo Beelaha Beesha ka tirsan ee qaaddacayna ku tilmaamay is-caasiga wakhtigan la joogo Bulshada ku dhex-jira ee Wiil iyo Aabbihii iskaga hor-iman karaan.


Ugu horreyn Wasiir Cadami oo isagoo ku sugan magaalada Hargeysa xalay khadka Taleefanka ugu warramay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Himilo, ayaa ugu horreyn ka jawaabay su’aal Weriyuhu ka weydiiyey waxa uu kala socdo Wefti Wasiirro iyo Wasiirro Puntland ka tirsani hoggaaminayaan oo la sheegay inay Isniintii soo gaadheen Degmada Dhahar oo la xusay inay uga soo gudbeen Hadaaftimo iyo waxay u socdaan; waxa uu ku jawaabay; "Anigu Weftigaa Wasiirrada ah ee aad leedahay Puntland bay ka yimaaddeen oo Hadaaftimay soo gaadheen ma ogi, maqalkeeduna waa ii hadalkaaga, laakiin markaannu warkooda doonno haddiiba ay run tahay oo ay Somaliland Wasiirro Puntland ahi soo galeen, markaas ayaannu jawaabta ku habboon ka bixin doonnaa. Laakiin, hadda waa ii hadalkaagaas oo ma ogin, manaannaan maqal.”

Wasiir Cadami oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in sida la sheegay Weftigaas Wasiirrada ah ee Puntland ka yimi oo dabcan ay ku jiraan xubno ay isku beel yihiin oo Maamulkaas xilal ka haya inay u socdaan ka qaybgalka Shirka Khamiistii dhawayd ka furmay deegaanka Xiin-galool oo gobolka Badhan, waxa uu ku jawaabay; "Kkkkkk! Ma waxa la leeyahay Shirka Xiin-galool ee Beesha ayay Wasiirro Puntland ahi ka qaybgalayaan, taas waxba kama jiraan. Laakiin, daandaansigu waa iska badan yahay oo way dhici kartaa xad-gudub, balse taa aad i weydiisay anigu ma ogi, mid dhacaysana iilama eka, ee hadday dhacdo haddeeda ayaan ka jawaabi doonnaa.”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu toddobaadkii hore mar uu Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa sheegay, in shirka Xiin-galool ka furmay Khamiistii oo markaas qaban-qaabadiisu socotay, isla markaana shaki laga muujiyey inaanu ahayn mid siyaasad shaqo ku leh ee uu yahay mid dhaqan, mid laga shakiyo ama shaki laga qabi karana aanu ahayn. Sidoo kale, waxa uu sheegay inay fogeeyeen sheekada shirkaas Masuuliyiin sheegay inuu shirkaasi shabboho kii Saax-dheer bishii dhammaatay horraanteedii ay Kooxda Khaatumo ku qabsatay ee ay Madaxweynaha ugu doorteen Cali Khaliif Galaydh.
Balse inkasta oo uu Wasiirku sidaas sheegay, kuna daray intaas in shirkaas Beelaha Warsangeli u dhan yihiin, haddana markii uu shirkaasi furmay Khamiistii inna dhaaftay, waxa qaaddacay Madaxda Dhaqanka, Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Beelo ka tirsan Beelaha Warsangeli, gaar ahaan Beelaha Dhahar iyo Badhan iyo deegaannada kale ee Beeshaba dega oo sheegay in Shirkaasi yahay mid koox gaar ahi wadato, dano gaar ahna ay ka leeyihiin, waxa ka soo baxana aanay aqoonsan doonin, xubnaha Beeshooda ah ee ka qaybgalayna aanay metelin Beelaha ay ka socdaan.

Sidaa awgeed, Wasiir Cadami oo aannu wax ka weydiinnay waxa shirkaas Xiin-galool ee uu hore u difaacay ujeeddadiisa waxa uu wakhtigan kala socdo, waxa uu ku jawaabay; "Shirkaas waxaan kala socdaa inuu Khamiistii si fiican oo nabad ah u furmay, si wanaagsan oo nabad ahna u socdo oo la doortay Shir-guddoonkii Shirka hoggaaminayey, Xoghayihii oo uu si fiican iyo sidii loogu talagalay nabadgelyo ugu socdo weli, saacad saacad baan ula xidhiidhaa. Waxaanan kuu sheegayaa inaanay Dayuurado xaggaas kaga imanaya iyo kuwo xaggan kaga tegaya midna jirin.”
Mar uu Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay in Beelaha Warsangeli kuwooda ugu waawayni qaaddaceen shirkaas oo ay ajandaha ujeeddadiisa ku tilmaameen kuwo dillaalnimo oo koox gaar ahi wadato, isla markaana aanay xataa waxa ka soo baxa aqoonsan doonin, taasoo muujinaysa is-beddel ku yimi qaabkii hore ee uu Wasiir ahaan sheegay inay Beeshu u dhan tahay, waxa uu yidhi; "Wakhtigan maanta jooga Carruurtaadii baa ku caasiyaysa oo qaarkood Badaha ka gudbayaan oo kaa hor imanaya, markaa nin wax diida oo la ilama tashan iyo aniga wax la ima ogeysiin yidhaahda lama waayayo ee waa la arkayaa. Laakiin, waxaan kuu sheegayaa in Shirkaasi sidaa aan u sheegay yahay Shir Beeleed Dhaqan oo siyaasad ka fog, Beel walba oo Beelaha Warsangeli ka mid ah oo aanay Ergo metelaysaa ka jooginana ma jirto ee Beel walba Ergadii ka socotay way ka qaybgaleen Shirka, wax ka xunina ma jiro, si fiican baanu shirkaasi u socdaa, Madax-dhaqameedka qaaddacay ee aad sheegtayna iyaga Madax-dhaqameedkoodii baaba Shirka jooga.”

Sidoo kale, Wasiir Cadami oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay in Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland oo ay Beesha Bariga Sanaag ka soo wada jeedaan, Xukuumaddana ka wada-tirsan yihiin inuu shaki weyn ka muujiyey, isla markaana sheegay in shirkaas natiijadiisu la mid noqon karto kii Saax-dheer ee Cali Khaliif Galaydh Kooxda Khaatumo Madaxweynaha ugu cumaamadeen bishii Ogosto ee inna dhaaftay, waxa uu ku jawaabay; "Dadku waa kala aragti duwan yihiin, haddii Cirku Daruur soo kiciyo Ninna wuxu odhanayaa ‘Roob bay waddaa’, Ninna wuxu odhanayaa Roob ma waddo ee xagga Bariga ayay u socotaa. Markaa, dadku isku aragti maaha, Wasiirkana wax dhib ahi nagama dhexeeyaan, qofkuna aragtidiisa waa u xor. Laakiin, anigu xog-ogaal baan u ahay, saacad-saacad baan Tilifoonka ugu wadahadalnaa Shirkaas, waaniga ku leh Dayuurado xaggaas kaga imanayaana ma jiraan, kuwo xaggan kaga tegayaana ma jiraan ee waa Shir Dhaqan, Natiijadiisana waynu u wada-joognaa Khamiista haddii Allaah inna nabad-gaadhsiiyo.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo sidoo kale, aannu wax ka weydiinnay warar Warbaahinta qaarkood faafiyeen oo sheegaya in Axaddii dorraad Ciidanka Qaranka Somaliland gudaha dalka Itoobiya kaga daba-tageen Malleeshiyada Kooxda la baxday Khaatumo oo Khamiistii ka firxaday Saax-dheer oo Ciidanku hawlgal ku gaadhay, isla markaana dagaalka ku dhex-maray gudaha dhanka Itoobiya ku soo qabqabteen Maxaabiis uu ka mid yahay Maayerkii hore ee magaalada Laascaanood, waxa uu ku jawaabay; "Itoobiya waa dal aynu jaarnahay oo aynu xad-wadaagno, saaxiibtinnimo dhawina innaga dhaxayso, suuragal-na maaha in Ciidanka Qaranku intu tallaabo gudaha dalkeeda dagaal ka fuliyo, haddiiba ay dhacdo oo xad-gudub Ciidan iman lahaana waa dawlad wayn oo feejignaan badan leh oo mar hore ayaa dhawaaqeedu na soo gaadhi lahaa. Markaa, ma jiro dagaal ay Ciidanka Qaranku ka fuliyeen guda dalka Itoobiya, laakiin waxa jira dhul badan oo koonayaal ah oo cidla ah haddii loo baahdana ammaan ahaan lagu gaadhi karo labada dhanba, balse dagaalkaasi ma jrio.”

Contact@afkashacabka.com