Xisbiyada Mucaaradka oo Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyey Magacyada Xubno uga mid noqon Doona Komishanka Cusub ee Dorashoyinka

0
Tuesday September 02, 2014 - 19:24:17 in by salman abdi
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka oo Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyey Magacyada Xubno uga mid noqon Doona Komishanka Cusub ee Dorashoyinka

    Xisbigayada Ucid Iyo Wadani ayaa Soo Magacaabay Labada Xubnood Oo Uga Mid Noqon Doona Komishanka Doorashooyinka Una Gudbiyay Madaxwaynaha JSL Warqad Ay Ku Qoranyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbigayada Ucid Iyo Wadani ayaa Soo Magacaabay Labada Xubnood Oo Uga Mid Noqon Doona Komishanka Doorashooyinka Una Gudbiyay Madaxwaynaha JSL Warqad Ay Ku Qoranyihiin.

Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u gudbiyay xubnaha uga qayb gelaya guddiga doorashooyinka cusub, maadaama oo uu guddigii hore ee doorashooyinka wakhtigoodu ku eegyahay dabayaaqada bisha Oktoober ee soo socota.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa toddobaadkii hore labada xisbi mucaarad iyo golaha guurtida ka dalbaday inay soo xulaan xubnaha uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka.

Xisbiga Waddani ayaa sida ay ilahan xogogaalka ahi u xaqiijiyeen Geeska Afrika waxa ay gudbiyeen xubinta magaciisu yahay Dr. Maxamed Cismaan Fadal inuu uga mid noqdo guddiga cusub ee doorashada, halka uu xisbiga UCID gudbiyay magaca xubintii hore ee ugu jirtay guddigii hore ee doorashada Md. Cabdifataax Ibrahim Xasan.

Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa dhawaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Waddani, si uu ugu madaxbanaanaado arrimihiisa u gaarka ah. Halka uu Md.Cabdifataax ka mid ahaa guddiga hore ee doorashada ee uu wakhtigoodu dhammaanayo bisha Oktoobar ee soo socota.

Xisbiga Wadani ayaa Magacaabay Xubin ka tiran isla Xisbigaas ahaana Xoghaya Arimaha dibeda balse xilkaa dhawaan iska Casiley, isagoo Gudoomiye Cirona sheegay inuu Xilkii sare iska casiley Mr Fadal balse uu Xisbiga kasii mid yahay aanuna ka bixin, Markay sidaas tahayna wuxuu ka Hor imanayaa Sharciga ka mid noqoshada KOMISHANKAN Doorashooyinka oo la rabo Xubinta ka mid noqonaysaa inaanay Xisbi keli ah aanay ku jirin ama ka mid ahayn,

Sannadkii 2008 ayaa Madaxweyne Dahir Rayaale Xisbiga Kulmiye kusoo celiyey mr Ilhaan oo uu Gudoomiyaha Kulmiye u magacaabay inay ka mid noqoto Guddida Doorashooyinka iyadoo sababta soo celinteeda lagu sheegay inay ka mid tahay Xisbiga Kulmiye.

Xisbiga Wadani ayaa inta badan isku daya inuu u Socdo sidii uu ahaa Xisbiga Kulmiye wakhtigii uu Mucaaradka ahaa, waxaanu dhawaan hirgeliyey idaacad ku hadasha afka xisbigaas walaw aysan Caan noqonin sidii Horyaal, iyo weliba isagoo Gudoomiyaha Wadani dhawaan soo jeediyey in Xubnaha Komishanka laga dhigo 9 isagoo soo qaatey in Xisbiga Kulmiye Hore usoo jeediyey wakhtigii uu Macaaradka ahaa waxaanay Madaxda Xisbiga wadani markay hadlayaa yidhaahdaan kulmiye sidaas buu odhan jirey wakhtigii uu Mucaaradka ahaa

Markay ay noqoto Sharciga lagu soo Magacaabo Guddida Doorashooyinka ayaa dhigaaya in Madaxweyne Siilaaanyo uu dib ugu soo celiyo Xisbiga Wadani Xubinta uu u magacaabay Guddida Doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaan weli u soo jawaabin labada xisbi mucaarad, waxaana la filayaa in haddii uu aqbalo xubnahan ay mucaaradku u gudbiyeen uu u gudbiyo golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadidoona. 




Contact@afkashacabka.com