Shir Sannadeedka 4aad ee Qurbajoogga Somaliland iyo Abaalmarinta Qurbajoogga Maalgashaday Dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland

0
Wednesday August 15, 2018 - 10:09:11 in by salman abdi
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Sannadeedka 4aad ee Qurbajoogga Somaliland iyo Abaalmarinta Qurbajoogga Maalgashaday Dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland

    Shir Sannadeedka 4aad ee Qurbajoogga Somaliland iyo Abaalmarinta Qurbajoogga Maalgashaday Dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Sannadeedka 4aad ee Qurbajoogga Somaliland iyo Abaalmarinta Qurbajoogga Maalgashaday Dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland Shir Sannadeedka 4aad ee Qurbajoogga Somaliland iyo Abaalmarinta Qurbajoogga Maalgashaday Dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland
Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay qabanaysaa shir sannadeedka 4aad ee Qurbajoogga Somaliland oo ka dhacaya Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa Maalinta Isniinta 27-ka bisha August, 2018
haddii Alle Idmo. Shirka sannadkan oo loo bixiyay "Abaalmarinta Maalgashiga Qurbajoogga,” waafaqsanna qorshaha istaraatiijiyadeed ee qaranka uga yaalla xagga kor u qaadida doorka maalgashiga Qurbajoogga ee fursadaha ganacsiga dalka sida ku sheegan QHQ2-2018-2021; ayaa noqonaya munaasibad aan uga faaiidaysanayno inaan u mahad celinno, maamuusno, oo aan si heer qaran ah u xusno doorka muhiimka ah ee Qurbajoog badan oo ganacsiyo kala duwan maalgashaday ka gaysanayaan shaqo abuurka iyo la dagaalanka faqriga, koboca dhaqaalaha dalka, iyo dakhliga dawladdaba, isla markaana aan farriin u dirro, oo kor u qaadno heerka wacyiga Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland inay ogaadaan fursadaha dihin ee ka jira dalkooda ee dhiggoodu maalgashadeen, dawladdooduna diyaar u tahay in waxbadan loo fudaydsho. Waxa muuqata in nabadgelyada buuxda ee ka jirta dalka JSL, iyo nidaamka dawladeed ee dadka u adeegaya awgeed, in doorasho kasta oo si dimuqraadi iyo nabadgelyo ah uga qabsoonta Somaliland ay dhiirrigelinayso xidhiidhka jaalliyadaha, soo noqoshada dadka, iyo heerka Qurbajoogga maalgashanaya ganacsiyada kala duwan oo tusaale 50% inka badan meheradaha ganacsiga Qurbajoogga ee ka jira Hargeysa si rasmi ah loo furay intii ka dambaysay doorashadii
madaxtinimada 2010,

 

halka ay seddexdii sano ee ugu dambeeyayna si xawli ah u kordheen sida ay Hay’adda Qurbajooggu ku ogaatay daraasad ay fulisay 2017, si la mid ahna dadka fasaxa xagaaga iyo booqashada gaaban ku imanaya dalka ayaa aad usoo badanaya sannadba
sannadka xiga. Siyaasadda Qurbajoogga Qaranka JSL ayaa dhigaysaa in sannad walba Hay’adda Qurbajooggu in si loo dhirrigeliyo waxqabadkooda la xuso, laguna bogaadiyo xubnaha, kooxaha, iyo ururada Qurbajoogga ah ee maalgashi ku dayasho mudan ku sameeya dalka, ama waxqabad siyaabo
kale u taageeraya horumarka ka gaysta dalkooda JSL. Waxa taas lagu bilaabay sannadkan oo abaalmarin bogaadineed lagu guddoon siinayo ganacsato kala duwan oo Qurbajoog ah Shir Sannadeedkan 4aad. Waana mid la joogtaynayo oo siyaabo kala duwan oo waxqabad lagu mutaysan doono Abaalmarinta Qurbajoogga ee Sannadka (The Annual Diaspora Award). Faahfaahin dheerada, kala xidhiidh Tell 52 0485 (Office Line), 063 6487552 (Phone) ama u dir