Brazil:-Xisbi Brazil ka dhisan oo nin xidhan u sharaxday madaxweynenimo+Arima Sababay

0
Thursday August 16, 2018 - 08:47:45 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil:-Xisbi Brazil ka dhisan oo nin xidhan u sharaxday madaxweynenimo+Arima Sababay

    Brazil:-Xisbi Brazil ka dhisan oo nin xidhan u sharaxday madaxweynenimo+Arima Sababay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brazil:-Xisbi Brazil ka dhisan oo nin xidhan u sharaxday madaxweynenimo+Arima Sababay

Xisbiga Shaqaalaha Brazil ee PT ayaa si rasmi ah murashaxooda madaxweynenimo ugu diiwaan galiyay madaxweynihii hore ee la xiray Luis Inacio Lula da Silva.

Taageerayaashiisa ayaana hal hays ka dhigtay "Madaxweyne ha noqdo Lula" iyo "xoriyaddiisa hala siiyo Lula" waxayna xisbiga PT u raaceen maxkamadda arrimaha doorashada ee Brasilia saacado ka hor wakhtigii kama dambaysta ahaa.

Balse dacwad oogaha guud ayaa isla markiiba xareeyay dacwad uu waxba kama jiraan kaga soo qaadayo murashaxnimada Lula, maadaama oo xukunkii lagu ridday bishii Janaayo ay maxkamaddi ayidday.

Qofkii reer Brazil ah ee maxkamadi xukun ku riddo racfaanna ku guul darraysta uma tartami karo madaxweynenimo.

Lula ayaa hadda xabsi ku jira isaga oo ku xukuman 12 sano, isaga oo loo haysto in uu laaluush aqbalay.

Waxaa lagu helay in uu aqbalay dhisme xeebta qarkeeda ku yaalla oo la dayac tiray oo qiimahiisa lagu sheegay 1.1 milyan oo doolar, uuna laaluush ahaan uga helay shirkad arrimaha injineeriyadda qaabilsan ee OAS.

Wuu diiday in uu khalad gaystay, wuxuuna sheegay in xukunka xabsiga ah uu yahay shirqool lagaga hor istaagayo in uu awoodda ku soo laabto.