Booliska Afghanistan Oo Xabsiga Utaxaabay Waalidiinta Laba Dhalinayo Ah Oo La Isu Guuriyay

0
Tuesday September 02, 2014 - 23:18:32 in by salman abdi
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Afghanistan Oo Xabsiga Utaxaabay Waalidiinta Laba Dhalinayo Ah Oo La Isu Guuriyay

    Booliska gobolka Balkh ee Waqooyiga Afghanistan ayaa xidhay waalidka dhalay laba caruur ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeeyeen guurka caruur yaryar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska gobolka Balkh ee Waqooyiga Afghanistan ayaa xidhay waalidka dhalay laba caruur ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeeyeen guurka caruur yaryar.


Sawiro lagu faafiyay wargeysyada iyo baraha bulshada ee Afghanistan ayaa muujinaya gabar lagu sheegay 8 jir oo loo guuriyay wiil 12 jir ah. Arooskooda ayaa maalmo ka hor ka dhacay tuulo ku taalla Waqooyiga Afghanistan, meel u dhow soohdinta Tajikistan.

Gabadho oo magaceeda lagu sheegay Mena ayaa rajo ah oo hooyadii dhashay ay dhimatay.


 

Aabaha dhalay gabadha waxa uu saxaafadda u sheegay in uu gabadhiisa ka helay sooryo ama lacag, uuna doonayay in uu lacagtaasi ku guursado xaas kale.

Waxaa dalka Afghanistan ku badan gabdhaha yaryar ee loo guuriyo ragga aadka uga weyn, wallow ay taasi sharci darro dalkaasi ka tahay.

Caruurtan la isugu guuriyay ayaana la sheegayaa inaysan ku cusbeyn Afghanistan. 


Contact@afkashacabka.com