Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani Mudane Maxamuud Raage Oo Taageeray Nuqulka Qoraalka Garnaqsiga Ah Ee Beelaha Awdal Usoo Gudbiyeen Xukuumadda

0
Tuesday September 02, 2014 - 23:26:44 in by salman abdi
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani Mudane Maxamuud Raage Oo Taageeray Nuqulka Qoraalka Garnaqsiga Ah Ee Beelaha Awdal Usoo Gudbiyeen Xukuumadda

    Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani Mudane Maxamuud Raage Oo Taageeray Nuqulka Qoraalka Garnaqsiga Ah Ee Beelaha Awdal Usoo Gudbiyeen Xukuumadda sidaana Waxa lagu Sheegay Qoraal uu soo Saaray Xoghayuhu oo Nuqul Ka Mid ahna Soo Gaadhay ToggaHerer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani Mudane Maxamuud Raage Oo Taageeray Nuqulka Qoraalka Garnaqsiga Ah Ee Beelaha Awdal Usoo Gudbiyeen Xukuumadda sidaana Waxa lagu Sheegay Qoraal uu soo Saaray Xoghayuhu oo Nuqul Ka Mid ahna Soo Gaadhay ToggaHerer.

Qoraalka ayaa u dhignaa Sidatan:-

 

Taageerid Nuqulka Qoraalka Garnaqsiga Ah Ee

Beelaha Awdal Usoo Gudbiyeen Xukuumadda

01.09.2014

Waddani Somaliland National Party

Kadib Markii Aan Aragnay Qoraalka Garnaqsiga Ah Ee Ay Soo Diyaariyeen Beelaha Reer Awdal Kana Muuqato Cabashooyin La Xidhiidha Xaga Saami Qeybsiga Dawlada Iyo Shaqaaleysiinta Muwaadiniinta.

Kadib Marka Ay Beelaha Reer Awdal Usoo Gudbiyeen Cabatinkooda Si Hufan Oo Aan Haba Yaraatee Turxaan Laheyn

Kadib Marka Beelaha Reer Awdal Ay Ku Tiraabeen Taariikhda Ay Ku Leeyihiin Somaliland Iyo Sida Ay Uga Soo Qayb Qaateen Dhismaha Qaranka Somalilland Oo Runtii Ku Saleysan Xaqiiq Dhab Ah

Ka Dib Marka Aan Qiimeynay Mihiimada Ay Leedahay Wax Wada Qeybsiga Ku Saleysan Cadaalad Iyo Isu Dheelitir Xilalka Qaranka (Equal Opportunity)

  1. Waxa Uu Xisbiga Waddani Kula Talinayaa Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysa In Ay Tix Geliso Cabashooyinka Ay Soo Gudbiyeen Beel Weynta Awdal Iyo Selel Wixii Suurto Gal Ah, Beesha Oo Runtii Aanu Aaminsan Nahay In Ay Somaliland Soo Gelisay Tacab Aan Marnaba La Dhayalsan Karin
  2. Waxaan Xukuumada Uga Digaynaa In Ay Iska Indha Tirto Baahida Loo Qabo Awood Qeybsi Caddaalad Ku Saleysan Si Qaranka Somaliland Hiigsigiisa Iyo Himaladiisu U Taabo Gasho, Dawladnimaduna Gaadho Ama Ku Fido Dhamaan Umada Reer Somaliland Kana Ilaaliso Dheeliga Awood Qeybsiga Beelaha Somaliland , Arinkaasoo Inagu Keeni Kara In Umada Dhexdeeda Ka Abuuranto Kalsooni Xumo.

F.G. Sumada Xisbiga Waddani Waa Caddaalad, Horumar Iyo Sinaan Sidaa Awgeed Taageeridayadan Maahan Mid U Gaar Ah Beelaha Awdal Iyo Selel Ee Waxaan Taageersanahay In Dhamaan Umada Reer Somaliland Ay Caddaalad Ku Wada Noolaadaan, Sidoo Kale La Qiimeeyo Dhamaan Cabashooyinka Ka Imanaya Deegaanada Somaliland.

 

Ugudanbeyn Waxay Dhamaan Umada Reer Somaliland Indhaha Ku Hayaan Sida Ay Xukuumadu Uga Jawaabi Lahayd Dareenka Beelaweynta Reer Awdal Iyo Dhamaan Umadad Reer Somaliland Ee Saluugsan Awood Qeybsiga Dawladnimada.

Allaa Mahad Leh

Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani

Mudane Maxamuud Raage Ibrahim