Ethiopia oo dib u bilaabeysa dullimaad toos ah oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa

0
Friday August 17, 2018 - 13:21:54 in by salman abdi
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia oo dib u bilaabeysa dullimaad toos ah oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa

    Ethiopia oo dib u bilaabeysa dullimaad toos ah oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia oo dib u bilaabeysa dullimaad toos ah oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian ayaa ku dhawaaqday adeeg duulimaad oo toos ah oo u dhaxeyn doona magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa dhamaadka bishan.

Xusseen Xoosh oo u hadlay shirkadda Ethiopian Airways ayaa sheegay in ay bixin doonaan saddex duulimaad oo todobaadle ah oo u dhaxeyn doona Muqdisho iyo Addis Ababa, oo noqonaya adeegii ugu horeeyay oo ay shirkaddu bixiso laga soo bilaabo 1977dii.

Tan iyo wixii ka danbeeyay 1977-1978kii ma jirin wax duulimaad toos ah oo u dhaxeeyay labada magaalo waqtigaa oo ay dhaceen dagaalladii gobannimo doonka oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya la gashay dalka Itoobiya.

Hasse ahaatee ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo la yimid siyaasad fur furan oo Itoobiya dib ugu hanan karto saxiib-tinimada dalalka dariska la ah ayaa bishii Jun booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho wax-yaabaha ay isla soo qaadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka mid ahaa in leysku furo xiriirka ganacsi ee labada dal.

Haddii dib loo bilaabo duulimaad-yaddii labada magaalo waxaa ka faa’ideysan doona bulshada ku dhaqan labada dal oo arintan ay u fududeyn doonto in ay si dhib yar isugu socdaalaan.