"Anigu waxa aan u arka arin khalad ah in Somaliland la yidhaahdo ka bax Saax-dheer, maxa yeelay...?Dr. Mohamed Abdilahi Omer

0
Wednesday September 03, 2014 - 09:40:48 in by Hargeysa Office
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anigu waxa aan u arka arin khalad ah in Somaliland la yidhaahdo ka bax Saax-dheer, maxa yeelay...?Dr. Mohamed Abdilahi Omer

    Wasiirki Hore Ee Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Arimaha Dibadda Dr. Mohamed Abdilahi Omer oo Khalad ku tilmaamay Dhawaaqi Besha Calamka ee Hawlgalkii Saaxdheer, kuna tilmaamay Arrin Baalmarsan Shuruucda Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirki Hore Ee Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Arimaha Dibadda Dr. Mohamed Abdilahi Omer oo Khalad ku tilmaamay Dhawaaqi Besha Calamka ee Hawlgalkii Saaxdheer, kuna tilmaamay Arrin Baalmarsan Shuruucda Caalamka Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay sida uu u arko baaqii ka soo yeedhay Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Mareykanka, ee ahaa inay Somaliland Ciidamadeeda kala baxdo Saax-dheer, waxaanu sheegay in baaqani uu baalmarsan yahay Shuruucda Caalamiga ah, isla markaana aanay waafaqsanayn nidaamka xidhiidhka dumlamaasiyada.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibada Dr Maxamed Cabdi Cumar, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale sheegay in inta aanay soo saarin baaqa Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, ay ahayd inay marka hore la soo xidhiidhaan Somaliland balse ay ku deg dageen baaqa, waxaanu khalad ku tilmaamay baaqaas., waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay .

"Marka ay Dawladduhu Dawlad baaq u soo jeedinayaan,marka hore Dawladda arintani qusayso ayaa lala soo xidhiidha, oo loo sheega dareenka ay Dawladdahaasi qabaan, arintan ay imika Mareykanka, midawga Yurub iyo Qaramada midoobay ka hadleen ee ay Somaliland ugu baaqayaan ee ay leeyihiin ka baxa meelo ka mid ah Dhulka Somaliland, waxa ay marka hore ahayd inay la soo xidhiidhaan Somaliland, iyaga oo aan War murtiyeed soo saarin, oo fikirkooda iyo dareenkooda arintaas ay ka wada hadlaan”. 

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibada Dr Maxamed Cabdi Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Haddii ay Qaramada Midoobay, Mareykanka, midawga Yurub iyo Somaliland ay isku af garan waayaan arintan ama ay ku kala duwanaadan, markaas ayey u furan tahay inay baaq soo saaran, caynkaas ayey ahayd inay arintu noqoto”ayu yidhi..

Dr Maxamed Cabdi Cumar mar uu ka hadlaayey sida uu u arko baaqa ka soo yeedhay Qaramada Midoobay, midawga Yurub iyo Mareykanka ee ah inay Somaliland ka baxdo Saax-dheer, ayaa yidhi "Anigu waxa aan u arka arin khalad ah in Somaliland la yidhaahdo ka bax Saax-dheer, maxa yeelay Saax-dheer waa Magaalo iyo Dhul ka mid ah Somaliland, markaas dawladina dawlad kale ku odhan mayso ka bax dalkaaga, oo Ciidankaaga ka saar, balse waxa loogu baaqi karaa in Warar dagaalo, colaad iyo dhib kale oo dad gaar ah loo gaystay, waxa ay ahayd inay Dawladda Somaliland kala taliyaan arintaas sidii si nabadgeliyo ah, oo wanaagsan loo dhammayn lahaa, laakiin inay Somaliland ugu baaqaan inay Ciiidankeeda, Dadkeeda iyo Umaddeeda kala baxdo halkaas waxa aan u arkaa arin baalmarsan Shuruucda Caalamiga ah, waana arin aan waafaqsanayn nidaamka xidhiidhka dumlamaasiyada, dawladnimana aan ku haboonayn”.

Wasiirka hore ee Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibada mar uu ka hadlay cida ka dambaysa arintan ayaa yidhi "Waxa la ogaaday in Dhulka Somaliland kheyraad ku jiro, gaar ahaan Deeganadaas, waana sababta Cali Khaliif Galaydh loo soo diray ee meesha loo keenay, si uu khilaaf iyo carqalad uu u abuuro, waxaana la doonaya in aanay Somaliland kheyraadkeeda la soo bixin”.. ayu yidhi 





 Contact@afkashacabka.com