Warsaxaafadeed: Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

0
Wednesday September 03, 2014 - 10:26:03 in by Hargeysa Office
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed: Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

    Cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay Madaxweynaha wiigi hore u gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal, kadib wuxu madaxweynuhu saka warsaxafadeedkiisa ku yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay Madaxweynaha wiigi hore u gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal, kadib wuxu madaxweynuhu saka warsaxafadeedkiisa ku yidhi sidan:

Taariikhda: -03/09/2014

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/MG/241-2682/092014 ku

magacaabayGuddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

 

Ujeedo: Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

 

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudanayaal,

 

Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

 

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.


ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


HALKAN HOOSE KA DAAWO QORAALKA CABASHADA AH EE AY MADAXWEYNAHA U GUDBIYEEN ODAYASHA REER AWDAL