Maxkamda Gobolka Saaxil Ayaa Xayirtay Dhismaha Maxjar Cusub Oo Laga Bilaabay Duleedka Bari Ee Magaalada Berbera

0
Wednesday September 03, 2014 - 12:18:58 in by Ankara Turkey
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamda Gobolka Saaxil Ayaa Xayirtay Dhismaha Maxjar Cusub Oo Laga Bilaabay Duleedka Bari Ee Magaalada Berbera

    Berbera(Afkashacabka.com) Magaalada Berbera Oo Ah xudunta Dhaqaalaha Somaliland Ayaa Maalmihii U Dambeeyay Laga Dareemayay Dhaq dhaqaaqyo Xoogan Oo Loogu Ololaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(Afkashacabka.com) Magaalada Berbera Oo Ah xudunta Dhaqaalaha Somaliland Ayaa Maalmihii U Dambeeyay Laga Dareemayay Dhaq dhaqaaqyo Xoogan Oo Loogu Ololaynayo
Dhismaha Maxjar Sadexaad Oo La Rabo In Laga Hir Galiyo Duleedka Bari Ee Magaalada Berbera, Maxjarkaasi Oo Lagu Caafimaadin Doono Xoolaha U Dhoofaya Wadamada Khaliijka.

Maxjarkan Ayaa Noqonaya Kii Sadexaad Ee Laga Hirgaliyo Magaalada Berbera Waxana Dhismihiisa Sida La Sheegay ku Shuraakoobay Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo U Badan Kuwa Isticmaala Maxjarka Indha-Deero Oo Ah Maxjarkii Ugu Dambeeyay Ee Xukuumada Somaliland Ogalaato Dhismihiisa Markii Ay Talada Dalka Qabsatay.

Wararka Aanu Ka Helayno Maxkamada Sare Ee Gobolka Saaxil Ayaa Sheegaya In Maalintii Shalay Ay Maxkamadu Xayiraad Saartay Dhismaha Maxjarkani Isla Markaana Goobtii Uu DHismaha Maxjarku Ka Socday La Dajiyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Ee Fadhigoodu Yahay Magaalada Berbera Si Hakad Loo Galiyo Dhismaha Maxjarkaasi, Xayiraada Ay Maxkamada Gobolka Saaxil Saartay Maxjarkan Oo In Mudo Ahba Dhismihiisu Socday Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Uu Dhawaan U Daadifeeyay Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Gobolka Saaxil Dr Cali Maxamud Guuleed (Cali Qudhaanjo).

Wararku Waxay Intaasi Ku Darayaan In Isla Goobta Dhismaha Maxjarka Laga Joojiyay Ay La Wareegeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Ee Gobolka Saaxil Horena U Ahaan Jirtay Xeradii Ciidanka Difaaca Ee La Odhan Jiray (Lamo Galaay) Ayaa Ah Goob Ku Taala Duleedka Bari Ee magaalo Xeebeedka Berbera, Halkaasi Oo La Sheegay Dawlada Hoose Ee Berberi Inay Dhulkaasi U Sharciyaysay Dad Shicib Ah Kuwaasi Oo Ka Iibiyay Ganacsatada Maxjarkani Ka Samaynaysay.

KALA SOCO AFKASHACABKA.COM WIXII WAR KASOO KORDHA ARIMAHAASI