Kenya:Gaadiidleyda Nairobi oo maanta shaqa joojin samaynaya

0
Wednesday August 22, 2018 - 09:43:14 in by salman abdi
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:Gaadiidleyda Nairobi oo maanta shaqa joojin samaynaya

    Milkiilayaasha gaadiidka caasimada Nairobi ayaa maanta qorshaynaya in ay shaqa joojin ku dhaqaaqaan taasi oo ay uga cabanayaan canshuurta lagu soo rogay shidaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milkiilayaasha gaadiidka caasimada Nairobi ayaa maanta qorshaynaya in ay shaqa joojin ku dhaqaaqaan taasi oo ay uga cabanayaan canshuurta lagu soo rogay shidaalka.


Waaxda keyd haynta ayaa qorshaynaysa in ay dhaqangaliso boqolkiiba 16 ah canshuur dheeraad ah oo la saarayo shidaalka , waxaana arrintani ay taabagal noqonaysaa 1 bisha September ka dib markii horey muddo labo sano ah dib loo dhigay.

Ururka ay ku bahaabeen gaadiidleyda ayaa ku amray darawalada iyo shaqaalaha gawaarida dadwaynaha in ay gawaaridooda ku gooyaan wadooyiinka ayna isaga tagaan si ay cabashadooda u muujiyaan.

Dibed baxa ayaa la filayaa in uu socdo saddex saacadood, laga bilaabo maanta 7:30 aroornimo ilaa 10:30 barqanimo.

Waa xilliyada ugu mashquulka badan waddooyinka Nairobi, waaxana ay saameyn weyn arrintaan ku yeelan doontaa boqolaal qof oo u kala goosha goobo kala duwan oo ka tirsan caasimadda.

In shidaaladka la canshuro boqolkiiba 16 ayaa keentay cadaadis ay hay'adda lacagta aduunka ay ku soo roogtay kenya laba sano ka hor.

Balse Dhaqaalaha wadanka ayaa hoos u sii dhacay ,taasi oo saameyn weyn ku yeelatay miisaaniyadda wadanka,Waxaa sidoo kale sare u kacay qarashaadka shidaalka ee wadanka

Markii hore waxaa la saadaalinaayay in dowladda boqolkiiiba lix iyo tobanka canshuurta ah ay qasnadda dowladda soo geli doonto 710 milyan oo doolar oo dheerad ah.

Markii uu dhaqan galo sharciga canshuurta gaadiidleeyda ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa la filayay in ay halkii litre ee shidaal ah ku iibsadaan hal doolar iyo bar.

Gudoomiya gaadiidleeyda kenya Peter Murima ayaa sheegaya in isbedlkan uu sameyn doono guud ahaan qiimaha noolasha reer Kenya.

Si kastaba ha ahaatee booliska ayaa ka digay cid walba oo ka qeyb qaadata dibad baxa la qorsheeyay tallaabo adag laga qaadi doono