Dagaalkii Somaliland Iyo Puntland Oo Loo Bedelayo Jabhado In La Isku Adeegsado

0
Wednesday August 22, 2018 - 13:40:02 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Somaliland Iyo Puntland Oo Loo Bedelayo Jabhado In La Isku Adeegsado

    Dagaalkii Somaliland Iyo Puntland Oo Loo Bedelayo Jabhado In La Isku Adeegsado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkii Somaliland Iyo Puntland Oo Loo Bedelayo Jabhado In La Isku Adeegsado

Awal Somaliland iyo Puntland waxay isku celin jireen dambiileyaasha dhulkoodda dambi ka galla ee usoo baxsadda hadba dhinaca kale, qof kasta oo dambi ka galla halka uu joogo maahee halka kale uma baxsan Karin oo labadda dhinac amniga way ka wada shaqayn jireen.

Si kasta oo Somaliland iyo Puntland dagaal ku dhexmaro hadana dambiiluhu dhexdoodda kuma badbaadi jirin, haseyeeshee imika wax badan baa isbedelay oo dhulkaasi wuxu noqon karaa goobo ay ku dhuuman karaan dambiileyaashu,wallow aanay ogolaan doonin dadka deegaanku in dhulkooddu noqdo goobo dagaalo ka dhacaan.
Siyaasaddii dagaalka u dhexeeyey labaddan dhinac waxa loo bedelayaa in jabhado la isku hubeeyo, oo Puntland waxay dhulkeeda saldhig ka siisay jabhad ay taageerayso oo dagaal la galla Somaliland, iyado u aragtay inuu culayska badan ka dul qaadi kara Ciidanka jooga Tuko raq.

Sidoo kale, waxa iyaduna imanaysa oo suurogal ah in Somaliland iyaduna samayso jabhado duulaan ku noqda Puntland oo ka dagaalama xuduuda Sool iyo Nugaal u dhexeysa, taas oo Somaliland ku doodi karto inay Puntland is hayaan jabhado.
Jabhadaasi oo laga dhigaya ciidamo reer Sool ah, kuwaas oo Somaliland iyo jabhadaasiba ku doodi karaan inay yihiin jabhad gobolkooda xoreysanaysa, hadii taasi timaadana waxa halis gali karta amniga Garoowe maadama oo halka la isku haysta tahay duleedka Garoowe.

Hadii jabhado isku hubeeyaan labadda dhinac waxa dhici karta inay jiho kale dagaalku noqdo oo qolo waliba jabhadeeda taageerayso soo hubayso, inkastoo labadda jabhadood midna dan u ahayn oo amniga halis galin karto, laakiin khatarta ka iman karta waa mid ka badnaanaysa dagaaladdii labadda dhinac dhex mari jiray.
Jabhadan la isku samaystay waxay u eekaanaysa sidii dawladdii Siyaad Bare ku samayn jirey Itoobiya ee inta uu askarta xooga dalka direyska ka saaro ku doodi jirey waa jabhadii Soomaali galbeed oo dhulkooda xoraysanaysa, iyadoo beesha caalamka ka dhaadhicin jirtay fariin khaldan,isla markaana ciidamo dhar shacab xidhan dagaalo ku qaadi jireen Itoobiya gudaheedda.

Marka Somaliland iyo Puntland midna dan ugu jirto in amniga xuduudahooddu halis gallo, waxaana ku soo dhex dhuuban kara kooxaha xagjir ah oo ka faa’iidaysan kara deegaanada dagaalku ka socdo ama jabhaduhu degan yihiin, waana fursaha ay ilaashadaan.
Ta labaad, hadii jabhaddo la isku hubeeyo inta Jabhadda Puntland taageerayso Hargeysa dagaal ku so qaadi karto, iyo inta Jabhadda Somaliland taageerayso Garoowe amnigeeda khalkhalin karta teebaa inay halis gasho u dhow ama ga’doon la galin karaa, teebaa ay macquul tahay in khasaaraha u badan wax soo gaadhsiin karta, labada dhinac midna dan ugu jirto jabhadu.

Waxa Qoray Barkhad-ladiif Maxamed Cumar