Hargaysa:Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Hantidii La Boobay Iyo Soo Celinteeda

0
Thursday August 23, 2018 - 13:00:36 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Hantidii La Boobay Iyo Soo Celinteeda

    Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ayaa xildhibaan Naasir Cali Shire ugu baaqay inuu si mutadawacnimo leh u sii wado ilaalinta hantida umadda ee la boobay, maadaama oo laga qaaday xilkii gudd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ayaa xildhibaan Naasir Cali Shire ugu baaqay inuu si mutadawacnimo leh u sii wado ilaalinta hantida umadda ee la boobay, maadaama oo laga qaaday xilkii guddoomiyaha guddiga dabo-galka hantida umadda.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sdoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu dib u soo celiyo hantida umadda ee lagu takrifalay, waxaa kale oo uu ka hadlay Biyo balaadhinta Magaalada Hargeysas, waxaanu ugu horeyn uu yidhi "Lacag aad u badna oo maaliyiin ah ayey Xukuumaddii hore lunsatay, in yar oo lacagtaas ka mid ay ayuun baa la soobandhigay,Hantidii umadda ee la boobay, ee Guriyo leh, oo Dugsiyadii Dumarka leh, oo Shirkadii Laydhka ee Hargeysa leh, in waxaas oo dhan la soo bandhigo ayey ahayd, Naasir Cali Shire wuu dadaalay, hantidii umadda ka maqnayd, ee la lunsaday, qaybo ka mid ah ayuu umadda u soo bandhigay, waanu ku amaanan yahay, waxaan garan lahay sababtan soo dhex galisay Guddoomiyaha Wakiilada, ma isaga ayaa musuq-maasuqa qayb ka ahaa, mise laalush buu qaatay, waa wax la is weydiiyo,in Naasir Cali Shire iyo Guddigiisa la cabudhiyo may ahayn, ee inay shaqadooda sii wataan bay ahayd, Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiiladu markii uu soo saaray qaybo ka mid ah hantida umadda ee la lunsaday aad baa loogu diirsaday, ee mar haddii uu Naasir Cali Shire la cabudhiyey, waxay u muuqanaysaa in Guddoomiyaha Wakiiladu qayb ka ahaa hantida umadda ee la boobay, sababta uu xilka uga qaaday nin shaqadiisi gudunaya, ayaa is weydiin leh”.
 
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu baaq u diraayey Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa yidhi "Naasir Cali Shire, waxaan leeyahay hantida la lunsaday ee aad soo bandhigtay aad baa loogu diirsaday, ee cabudhinta ha ku joogin,taladayduna waa Naasir Cali Shiroow cabudhinta waxba lagaga qaadi maayo, ee xittaa haddii xilka laga qaaday, soo bandhiga hantida umadda ee la lunsaday, halkaasna shaqadaada ka sii wad”.
 
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Hantida umadda ayaa yidhi "Haamaha Shidaalka in gacanta dawladda lagu soo caliyo waa wax loo baahnaa,sideedabana Haamaha,Laydhka, Biyaha iyo wixii la mid ah ee daruuriye, waa in gacanta dawladda aanay ka bixin, waana xaaran in cid gaar ahi maamusho, Madaxweynuhuna uu ku amaanan yahay, ee Madaxweyne Laydhkii Dawladda, Dugsigii Dumarka ee la qaatay, Hargaysa Kalaabkan la iska dhisanayo ee umaddu indhaha ku hayso gacanta dawladda ku soo celi, Madaxweyne hantidii umadda ee la dhacay, ee lagu takrifalay, xil baa ka saaran ee dib u soo celi wixii ka maqnaa”.
 
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Biyo balaadhinta Hargeysa ayaa yidhi "Biyo balaadhinta Hargeysa, lacag badan baa lagu bixiyey, ama Kuwayt ha noqoto ama Imaraadka ha noqoto, ama Jarmalka ha noqoto, maxa biyihii haysta, lacagtii cidii lunsatay, waa in la xidhaa, Madaxweynaha waxaan leeyahay Wakiiladii Biyaha Injineero ma joogaan, ee Injineer shaqada garanaya ha loo dhiibo, lacagahaas Biyaha lagu balaadhinayana cidii lunsatay, waa in la daba galaa oo la soo xidhaa, dadkuna waxaas ma eegan karaan, Biyahana waa in la keenaa halkii loogu tagalay Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagaxna waa meelaha ugu daran.”