Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliya oo sheegay in Garoonka Aadan Cade uu xilliyada habeenkii ah shaqeyn doono

0
Wednesday September 03, 2014 - 19:25:15 in by Super Admin
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliya oo sheegay in Garoonka Aadan Cade uu xilliyada habeenkii ah shaqeyn doono

    Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde,


 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada shirkahada Duulimaadka, xubno ka socday rugta ganacsoga Soomaaliyeed, Maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key, uuna goob joog a ahaa Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga ayaa looga hadlay horumarinta garoonka Aadan Cadde.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, gaar ahaan in nalal lagu xiro halka ay soo cago dhigtaan diyaaradaha si ay ugu fududaato in diyaaaradaha garoonka Aada Cadde ay xilliyada habeenkii ah ka howlgalaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu ku soo idlaaday guul, isla markaana ay isla afgarteen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha ka jirta garoonka, gaar ahaan in xilliyada habeenkii ah uu shaqeeyo, maadaama isbadal amni uu ka jiro caasimadda, ayna keentay baahi ah in duulimaadyo caalami ah la helo.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo haqab tiri lahaa baahida ay tebayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aada Cadde uu xillii waliba shaqeeyo, si ay u fududaato isu socodka gaadiidka hawada.


Contact@afkashacabka.com