Xujey Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Xajka, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, markii shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka.

Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jirayXaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.

Fahad Abuu Daalib Agaasimaha waaxda adeegga dadweynaha ee Xajkaayaa sheegay in meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan Talaagad ilaa uu ka dhamaado Xajka.

Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka acmaasha Xajka