Jean-Pierre Bemba oo loo diiday inuu u tartamo doorashada madaxtinimo

0
Saturday August 25, 2018 - 09:50:37 in by salman abdi
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jean-Pierre Bemba oo loo diiday inuu u tartamo doorashada madaxtinimo

    Jean-Pierre Bemba oo loo diiday inuu u tartamo doorashada madaxtinimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jean-Pierre Bemba oo loo diiday inuu u tartamo doorashada madaxtinimo

Guddiga doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa diiday inay aqbalaan codsi uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Jean-Pierre Bemba oo uu ku doonayay inuu ka qayb noqdo musharraxiinta madaxtinimo ee ka qayb galaya doorashada bisha Disembar dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ka dhacaysa.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in Bemba sababta magaciisa ay uga saareen liiska musharraxiinta ay tahay inay dambi kusoo oogtay maxakamadda dambiyada caalamiga.

Ka dib saacado ay wadahadalo ay albaabadu u xiranyihiin ay socdeen ayaa guddiga doorashada wuxuu ku dhawaaqay in 6 kamid ah 25-ka qof ee u tartamaysa xilka Madaxweynaha inaysan buuxinin shuruudihii looga baahna.

Dadkaasi waxaa kamid ah Jean-Pierre Bemba , Antoine Gizenga iyo Adolphe Muzto oo labaduda ra'iisul wasaare kasoo noqday dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Bemba waxaa dhawaan maxkammada caalamiga ee ICC ay ku waysay inuu gaystay dembi dagaal kadib markii tobban sano u xabsi ku jiray.

Kiisaaka ay haysataye maxkammada caalamiga ee dembiyada waxaa kamid ahaa in u isku dayay in u laalusho marqaatiyaasha taas awgeed ayaana ah sababata guddiga doorashada ay ugu diideen inuu ka qayb gao doorashada.

Musharraxiinta hadda u tartamaya doorashada waxay qabaan go'aan ah inay racfaan u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga, dhibaatada taagan waxay tahay in garsoorayaasha maxakamadda loo arko inay u dhaw yihiin dhanka madaxweynaha islamarkaasna go'aanada kasoo baxa maxkamadda ay noqon kara kuwo loo leexiyay dhankiisa.

Su'aasha taagan waxay tahay, in Bemba uu qayb geli doono doorashada ama inuu go'aansan doono inuu taageeri doono hoggaamiye mucaarad oo kale.

Magacyada musharraxiinta ka qayb galyaso doorashada waxaa la filaya in shaaca laga bisha September.

Waa kuma Jean-Pierre Bemba?

Jean-Pierre BembaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Waa ganacsade, aabihiis Bemba Saolona wuxuu ahaan jiray ganacsade si wayn looga yaqaanay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

1998: Wuxuu caawimad ka helay dalka Uganda sii uu sameeyo jabhadda MLC.

2003: Wuxuu noqday madaxweyne ku-xigeen kaddib markii heshiis dhanka nabadda ha lagala saxiixday.

2006: Wuxuu ku guuldareystay doorasho madaxtinimo ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ka dhacday.

2007: Wuxuu u cararay dalka Belgium kaddib markii rabshado ay ka dhaceen magaalada Kinshasa.

2008: waxaa lagu xiray magaalada Brussels, waxaan lagu wareejiyay maxkamadda ICC.

2010: Waxaa bilaabatay dhageysiga dacwaddiisa.

2016: Waxaa lagu helay dambi dagaal iyo xuquuqda aadanaha.

2018: Waxaa lagu waayay dambigii loo haystay.