Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shirkad Mareykan Ka Ku Kireystay Lacag Boqolaal Kun Oo Dollar Ah

0
Saturday August 25, 2018 - 09:50:37 in by salman abdi
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shirkad Mareykan Ka Ku Kireystay Lacag Boqolaal Kun Oo Dollar Ah

    Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shirkad Mareykan Ka Ku Kireystay Lacag Boqolaal Kun Oo Dollar Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shirkad Mareykan Ka Ku Kireystay Lacag Boqolaal Kun Oo Dollar Ah

Madaxweynaha dalka Somaliya

 

 

Md Maxamed Cabdilahai Farmaajo ayaa lacag Malyan Dollar Badhkii ah ku bixinaya sidii uu taageero dawladiisa ugaga heli lahaa maamulka Mareykanka ee Donald Trump .



Dawlada madaxweyne Farmaajo ayaa heshiis la gashay shirkad Mareykan ah oo la yidhaahdo ( Sonoran Policy Group SPG) bishan August , waxaanay dawlada Somaliya ay shirkadaas siin doontaa Afar Boqol oo kun oo Dollar ( $400,000) Muddo afar bilood ah oo ku began bisha December ee sanadkan .


 

 

Bil asta waxay shirkadu qaadan doonta boqol kun oo dollar ( $100,000) sida heshiiska ku cad .


Shirkadan ayaa qoraal ay gudbiysay dawlada Mareykanka waxaa ay u sheegtay inay dawlada Somaliya ka caawin doonto dhawr qodob oo ay ugu mihiimsan tahay sidii loo abaabuli lahaa safar uu madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Mareykanka , lana Kulmo Donald Trump , Xildhibaano Mareykan ah iyo madax kale oo Mareykan ah si uu maamulka madaxweyne Trump uga codsado in la soo celiyo dhaqaalihii uu Mareykanku siin jiray ciidamada dalka Somaliya oo uu u joojiyo sababo musuq maasuq iyo wax isdabo marin ka dhex jirta ciidamada Somaliya .


Sidoo kale waxaa ay shirkadani dawlada Somaliya ka caawin doontaa Xaayiraada Socdaal ee Mareykanku saarey Muwaadiniinta Somaliya sidii looga qaadi lahaa.


Maxamed Cabdilaahi Farmaajo madaxweynaha Dalka Somaliya ayaan wali kulan rasmi ah aan la yeelan madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump , waxaana la sheegay inuu Farmaajo ku guuleysan waayey dhawr isku day oo uu sameeyey kuna doonaayey inuu Trump uu kula kulmo.


Waxaana ay taashi sababtey in uu hada kireysto shirkad ka caawin doonta Sidii uu siyaasadiisa uga iibin lahaa maamulka madaxweyne Trump.


Source :- Geeska