Sheekh Aaden Siiro Oo Deeq Kuraasi Ugu Deeqay Madarasad Ay Wax Ka Bartaan 700 Oo Arday

0
Wednesday September 03, 2014 - 19:35:57 in by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Aaden Siiro Oo Deeq Kuraasi Ugu Deeqay Madarasad Ay Wax Ka Bartaan 700 Oo Arday

    Madarasaddan oo ay dhigtaan arday lagu sheegay tiradooda 700 oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, ayaan hore u lahayn wax kuraas ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madarasaddan oo ay dhigtaan arday lagu sheegay tiradooda 700 oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, ayaan hore u lahayn wax kuraas ah


Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland, isla-markaana wakhtiga ugu badan ku bixiya Taakuleynta dadka Tabaaleysan iyo la socodka xaaladaha dadka taageerada u baahan, ayaa 420 kursi ugu Tabarucay Madarasadda AL-AQSA oo ku taalla degmada Wajaale ee gobolka Gabiley.

Madarasaddan oo ay dhigtaan arday lagu sheegay tiradooda 700 oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, ayaan hore u lahayn wax kuraas ah oo ay ardayda tiradaasi leegi ku fadhiistaan, hasa-ahaatee ardayda Madarasaddaasi ayaa ku fadhiisan jiray Cowyaha lagu seexdo iyo roogag.

Laakiin, Sheekh Aaden Siiro oo doraad Magaalada Wajaale u tagay hawluhu la xidhiidha Masaajid laga dhisayo degmada Arabsiyo, ayaa booqday Madarasaddaasi, waxaanu halkaasi kula kulmay Maamulka iyo ardaydaba, isaga oo ka xaal wareystay waxbarashada ay bixiso Madarasaddu iyo duruusta Diineed ee ardaydaasi la baro, isaga oo halkaasi Muxaadaro ku taxaluqa muhiimadda barashada Qur’aanka Kariimka uga jeediyay ardayda uu ku booqday Madarasadda Al-AQSA.

Sheekha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxaanu Wajaale u nimid inaanu Masaajid laga dhisayo Arabsiyo aanu wax uga qabanno, sidaa daraadeed ayaanu is nidhi Madarasadda AL-AQSA aad soo booqataan, farxad weyn-bayna noo tahay inaanu soo siyaaranno. Waayo Rasuulku (SCW) wuxuu yidhi waxa idiinku khayr badan, kiina qur’aanka barta ee dadkana bara”

 

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu halkaasi ka ballan-qaadey inay hadda ka dib ka war heynayaan Madarasaddaasi "Sheekh Ismaaciil (Maamulaha Madarasadda) waanu la qabanaynaa wixii awooddayada ah maanta laga bilaabo, waayo dayac badan-baa jira, ILAAHAY dartiina waynu isku kaashanaynaa sidii wax loo qaban lahaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Halkan umaanu iman inaanu cilmi kordhinno, laakiin Carruurta, Maalka, Guryaha, dumarka iyo noocyada hantida oo dhami waa nimcooyinka ILAAHAY bixiyo, laakiin qofka uu ILAAHAY khayr la doonayo toosin buu siiyaa oo Diin-buu siiyaa..”

Sheekhu, waxa uu ka hadlay oo kale "Waxaana inoo ballana inuu Waddankeenu Wanaag ku dhismo, Towxiidkaa ugu sareeya ku dhismo, Waxaan ka mid ahay dadka ku qanacsan dalka Somaliland ee ILAAHAY innagu abuuray ee dedaalka badan u soo galay, ilaa maantana dedaalkaasi waan ku jiraa. Idinkuna (Ardayda) dariiqii saxda ahaa ayaad haysaan, Raasamaalka Rasmiga ahina waxa weeyaan In qofku uu aakhiro ILAAHAY ka nabadgalo”

Sheekh Aaden Siiro, ayaa markaasi ka dib Maamulka Madarasadda ku wareejiyey kuraas tiradoodu dhan tahay 420, kuwaasi oo loogu talo-galay inay ku fadhiistaan ardayda halkaasi wax ka barata.

Maamulaha Madarasaddaasi, Sheekh Ismaaciil, ayaa isaguna qaybinta Kuraasta ka dib ka hadlay Xafladdii loo qabta qaybinta Kuraasta uu Sheekhu ugu Tabarucay Madarasaddaasi, ayaa yidhi "Kalmadahaa uu Sheekhu inna yidhi ILAAHAY ha innagu anfaco, waxaanan leeyahay ILAAHAY ajar iyo xasanaad hakaa siiyo (taageeradaada), Sheekhuna hadda ka dib wuxuu ka mid noqon doonaa culimada Madarasadda innaga war haysa, waanuna ku soo dhaweynaynaa”

Dhanka kale, Munaasibadda uu Sheekhu ku wareejinayey kuraastaasi, ayaa waxa Aayado Qur’aan ah iyo Nashiidooyin ka akhriyey qaar ka mid ah ardayda halkaasi wax ku barata, kuwaasi oo markii dambe uu Sheekhu iyaga iyo Maamulkoodaba mid mid ugu qaybiyey lacag uu ugu talo-galay inuu kaga farxiyo. 



Contact@afkashacabka.com