Gudoomiyaha Haayada Barakacayaasha Somaliland Oo Hada Warbaahinta La Hadlay Iyo ARimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay.

0
Saturday August 25, 2018 - 18:25:06 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Haayada Barakacayaasha Somaliland Oo Hada Warbaahinta La Hadlay Iyo ARimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay.

    Gudoomiyaha Haayada Barakacayaasha Somaliland Oo Hada Warbaahinta La Hadlay Iyo ARimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Haayada Barakacayaasha Somaliland Oo Hada Warbaahinta La Hadlay Iyo ARimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay.
Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif ayaa noqdey masuul isku kala bixiyey hay’adda qaxoontiga ee loo igmadey, wuxuuna muujiyey bisayl siyaasadeed oo ku dhaqaajiyey shaqadii loo igmadey taas oo dar-dargalinta shaqada laga dareemay dhamaan dalka maadaama uu haneedey xafiis baylah badani isqoorsatay oo loo baahnaa masuul waayo arag ah oo la yimaada siyaasadii lagu maareyn iyo maamulihi lahaa
wuxuuna shirrabay qorshayaal lagu horu marinayo hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha isla markaana kor loogu qaadayo shaqadii ay qaranka u haysay,
guddoomiye xinif ayaa bilay xafiisyadii shaqo ee hay’addani lahay isagoo dhamaan gobolada dalka ka shaqaysiiyey waaxihii ay ku lahaayeen sidoo kale wuxuu xogogaalnimo kula jaanqaadey xaaladaha is barkan ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha ku sugan dalka iyo qaxoontiga kaas oo qolo walba dhankooda ogaal dareen leh u noqdey inuu kula socdo.
Wuxuuna heenseeyey qorshayaal barakacayaasha uu ugu kuur galayo xaaladahooda sidoo kale wuxuu dhexda u xidhay sidii ay hoy ay degaan u heli lahaayeen wuxuuna markiiba hindisay qorshayaashii ay lagu keenilahaa guryo iyo adeegyo kale oo is barkan
wuxuuna hay’addaha ku shaqada leh ee xidhiidhka la leh hay’adda uu masuulka ka yahay kala shaqiiyey sidii ay dan yartaa abaaroobay ay guryo ugu dhisi lahaayeen taas oo uu ku guuleystay in banyaalkii maatida lagu soo hooyo hoy bilan oo nashqadeysan taasina ay ku timi dedaalkii uu ugu kuur galay guddoomiye cabdikariin,
sidoo kale wuxuu xedhda u xidhay oo kaalinta ugu weyn ka galay duufaantii ku dhufatay xeebaha galbeedka Somaliland iyo qaar ka mid ah deegaanada galbeedka ee duufaantii SAGAR ay ku dhufatay taas oo madaale u dhego nugul nodey sidii maatidaa duufaanta ku waxyeelowdey wax loogu qaban lahaa wuxuuna isla markiiba shax dhigay dariiqii ugu haboonaa ee loo mari lahaa in dadkaas la samata bixiyo
wuxuuna xeeladeeyey hanaankii loo marilahaa daryeel ay helaan ama jal, hu iyo waxyaabihii markaa daruuriga ahaa ee dadkaasi dajin u noqon lahaa waana midka keentay in masuulkani noqdo mid shaqadii qaranka ka soo dhalaalay oo dhan walba isku kala bixiyey taas oo muujisay inuu yahay siyaasi gaadiiday.
sidoo kale gudoomiye Cabdikariin Xinif wuxuu baal dahab ah ka galay ma guurtada siyaasadeed ee dalka maadaama uu noqdey masuulkii ugu horeeyey ee Somaliland ah ee soo celiya tahriibayaal dhallinyaro ah oo bayhoof iyo godoon ku joogay dalka liibiya kuwaas oo daryeel la,aan ugu basbeelay sidoo kalena bacadka,
bacaadka badda, saxariirka saxaraha hoy la noqdey oo ku naf iyo maalba beelay, wuxuu shimbir u noqdey kumanaan dhallinyaro ah oo malaayiin doollar laga qalin shubataystay
wuxuu wer-wer tiray hooyooyin dhallaankoodii ka samray oo aduun, dahab iyo diinaar wuxuu ay hayeenba ku bixiyey bad-baadinta u badkooda godoonka ku ah saxaraha lama degaanka ama u gacan galay magafe arxan laawe ah oo aduun siistay bini aadan nimadii kaas oo qudhgooyay kumaaan dhallinyaro soomaali ah gaar ahaana Somaliland, balse
waxaa shimbir u noqdey guddoomiye xinif kaas oo u xadhko xidhay sidii uu dhallinyarada usoo deyn lahaa oo u keenilahaa dalkoodii hooyo ee Somaliland wuxuuna geed dheer iyo mid gaabanba u koray qorshayaashii lagu keeninahaa taas oo keentay inuu ku guuleysto isla markaana garoonka diyaaradaha ee CIGAAL ka soo dejiyo dhallinyaro tirro badan oo liibiya ku godoonsaney
kuwaas oo eheladoodii nabad qab ugu yimi oo ka farxiyey hooyooyin sannado aan dhaayaha saarin caruurtii ay dhaleen.
Qoddobada aan kor ku soo xusnay ee guddoomiye Cabdikariin Xinif shirrabay ayaa marag u noqdey inuu yahay xiddig godkiisii helay halka masuuliyiin badan oo la,la magacaabay ay wali hadda ku jiraan barashada nidaamka dawliga ah.