War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Gaadiid Tiro Badan Ku Wareejisay Itoobiya.

0
Sunday August 26, 2018 - 12:12:37 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Gaadiid Tiro Badan Ku Wareejisay Itoobiya.

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Gaadiid Tiro Badan Ku Wareejisay Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Gaadiid Tiro Badan Ku Wareejisay Itoobiya.

Xukuumada Somaliland ayaa maanta ku wareejisay dawlada Itoobiya baabuur lala soo baxsaday intii rabshaduhu ka socdeen Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya.

 

Baabuurtan ayaa tiradoodu gaadhaysaa dhawr iyo Toban baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex.

Wareejinta Baabuurtan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Cabdi iyo Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan waxayna sheegeen inay heegan ku jireen intii qalaasuhu ka socday Jigjiga ayna isha ku hayeen gaadiidka soo talaabaya sidoo kale waxay umahad celiyeen ciidamada Booliska Somalilad sidii wacnayd ee ay uga hawlgaleen soo qab qabashada Baabuurtan maanta lawareejay.

Dhinaca Itoobiyada waxaa ka hadlay wareejinta gaadiidkan safiirka Itoobiya ufadhiya Somaliland Mr. Berhe Tesfaye waxaanu amaan usoo jeediyay siday xukuumada Somaliland usoo qaqabatay gaadiidka lala soo baxsaday ee maanta la wareejay isagoo si gaara ugu mahadceliyay ciidamada Booliska Somaliland.

Xaalada Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa imika degan