Maraykanka Oo Ka Hadlay Weriye Labaad Oo lagaga Dilay Ciraaq oo Maraykan Ah.

0
Thursday September 04, 2014 - 11:05:42 in by Hargeysa Office
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Ka Hadlay Weriye Labaad Oo lagaga Dilay Ciraaq oo Maraykan Ah.

    Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanka aan loogu cagajugleyn karin gawraca weriye kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanka aan loogu cagajugleyn karin gawraca weriye kale.

 Waxa uu sheegay in dunida oo dhan ay la fajacday sida gurracan ee Daacish ay u gawraceen Steven Sotlof.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Estonia, ayaa Mr Obama waxa u sheegay in dilka weriye Sotlof ay astaan u tahay waxashnimada kooxda.

 

Waxa uu sheegay in falkani sii xoojin doono oo kali ah sida Mareykanka ay uga go’antahay la tacaalida ‘argagaxisada’.

Dhinaca kale, Dawladda Britian ayaa sheegtay in ninka geystay dilka weriyaha ee ka soo muquday muuqalkan u dambeyey oo ku hadlayey lahajada ingiriiska ee looga hadlo Britain in uu umuqada in uu yahay ninkii horay u khaarijiyey weriye James Foley.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Britain, Philip Hammound ayaa sheegay in Britain aysan wali go’aan ka gaadhin suurtagalnimada falal Militari oo ka dhan ah mintidiinta. 



Contact@afkashacabka.com