"xukuumaddu Ha soo celiso wada shaqeynta heyadaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrimaha doorashadu" G C/raxmaan Ciro

0
Thursday September 04, 2014 - 16:17:10 in by salman abdi
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "xukuumaddu Ha soo celiso wada shaqeynta heyadaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrimaha doorashadu" G C/raxmaan Ciro

    diiwaan gelinta muwaadiniinta ( civic registeration) Waa arrin muhiim ah oo qaranku u baahan yahay. Wax xeer ah oo dhaqangal ah oo lagu maamulo arrintan ma "xukuumaddu Ha soo celiso wada shaqeynta heyadaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khuseyso arr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

diiwaan gelinta muwaadiniinta ( civic registeration) Waa arrin muhiim ah oo qaranku u baahan yahay. Wax xeer ah oo dhaqangal ah oo lagu maamulo arrintan ma "xukuumaddu Ha soo celiso wada shaqeynta heyadaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrimaha doorashadu" G C/raxmaan Ciro

Hargaysa(AFK)_Bishii May 2013 waxa bilaabmay inay isu yimaadeen,Komishan doorashooyinka Qaranka,Saddexda Xisibiga Qaran,Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo,Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Waxa la isku waafaqay in qaranka Somaliland u baahan yahay, diiwaan gelinta muwaadiniinta ( civic registeration) Waa arrin muhiim ah oo qaranku u baahan yahay. Wax xeer ah oo dhaqangal ah oo lagu maamulo arrintan ma jiro. Waa hawl qaadan karta waqti dheer ugu yaraan afar sano iyo wax ka badan marka la sameeynayo diiwaan gelin dhaxal gal ah. Waa diiwaan gelin aan dhamaad lahayn , qof kasta oo dhasha waa in la diiwaan geliya, ka dhintana laga saaraa. Waa arrin axsaabta qaranku taageertay Waxaa lagu heshiiyey inaanay caqabad ku noqon diiwaan gelinta codbiyeyaasha.


• Diiwaagelinta cod bixiyeyaasha Waxa waajibiyey xeer 37/2007 xeerka diiwaan gelinta codbiyeyaasha Waxay sugaysaa inaynu helno doorasho xalaal ah.


o Waxay tiir culus u tahay amaanka iyo xasiloonida qaranka


o Waa in liiska codeeyayaasha la helaa lixdan (60) cisho ka hor waqtiga dorashada ee Lifaaqa 2aad ee xeer lr 37/2007
• Waxa la isku waafaqay laguna wada saxeexay si wada-jir ah xafiiska Wasiirka daakhiliga Mr Cali Warancadde 11/7/2013 qoraal nuxurkiisu ahaa in Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha loo kala qabto si kala madaxbannaan oo is-barbar socod ah (Dual track approach), heshiiskaas oo loo diray Deeqbixiyeyaasha Caalamiga ah.


• Deeq bixiyeyaasha waxa si wada jir ah loogu cadeeyey in labada diiwaangelinood si madax banaan oo aan is-dabrayn u kala qabanayaa WASAARADDA ARIMAHA GUDAHA JSL iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaana laga codsaday in farsamo ahaan iyo dhaqaalaha ahaanba inaga caawiyeen DIIWAAN GELINTA CODBIXIYEYAASHA taas oo ay soo aqbaleen.


• Si loo helo diiwaanta codbixiyeyaasha oo sugan waxa farsamo ahaan la soo kordhiyey in muwaadinka indhaha laga sawiro. Taasi waxay keentay in xeerkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel farsamo (technical) oo kooban.


• Tijaabo ayaa la sameeyey in indhaha laga qaado muwaadiniin kooban. Waxa la ogolaaday in lagu noqnoqdo , hase yeeshe, waxa lagu guuleystay in la qabto dhamaan dadkii ku noqnoqday.


• July 2013 waxa waaradda Arrimaha Guduhu xustay inay diiwaan gelinta madaniga lagu dhameyn doonto sagaal (9) bilood, waxaadse ogtihiin inaanay weli bilaabmin, muddo sanad ka badan ka dib.


• Si loo muujiyo qaran ahaan in ay ka go’antahay taageerada kala madax banaanaanta diiwaangelinaha iyo doorashooyinka, waxa madaxweyanah JSL 17/11/2013 qoraal ahaan soo saaray qoraal nuxurkiisu ahaa in Madaxweynaha JSL iyo Xukuumaddiisuba ay taageersan yihiin Heshiiska Saddexda Xisbi Siyaasadeed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee kala madax banaanaanta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo ta Madaniga.


• Bishii Feb 2014, waxa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL qoraal uu ku socodsiiyey deeq bixiyeyaasha ku cadeeyey inaanay diiwaan gelinta madaniga ahi dabri doonin diiwaagelinta codeeyayaasha oo muwaadinta aan qaadan warqadda (card) aqoonsiga ay saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku siin doonan card-ka aqoonsiga goobta cod bixinta.


• KDQ waxa ay xukuumadda u gudbiyeen dhamaadkii June 2014 kabis iyo waxa ka bedel farsamo oo kooban ee xeerka diiwaagelinta codbixiyeyaasha xeer Lr 37/2007.


• Waxa Madaxweynaha JSL Somaliland Golaha Wakiilada u soo gudbiyey Golaha Wakiilada 19/8/2014 sida ku cad wareegtadiisa qabyo qoraalka waxka bedelka iyo Kaabista xeerka diiwaan gelinta muwaadiniinta iyo codbieyeyaasha xeer Lr 37/2007.


• Xeer Lr 37/2007 waa xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo keliya.


• Hore xukuumadda JSL uma curin xeerka diiwangelinta muwaadiniinta , baaralamaanka JSL ma ansixin xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta, mana jiro xeer dhqan gal ah oo la yidhaa xeerka diiwaagelinta muwaadiniinta. Taas darteed, suurtogal ma aha in kaabis iyo wax ka bedel laguma sameyn karo xeer aan hore u jirin.


• Iyada oo xukuumadda gaar u kala keeni karta qabyo qoraalka xeerka diiwaan gelinta muwaadiniiinta iyo kabista xeerka diiwaan gelinta codbiyeyaasha , ma muuqato mana jirto sabab macquul ah ama sharci ah oo kelifi karta la isku kabo xeer jiray iyo mid aan jirin. Tani waxay marag cad u tahay tuhunkii ahaa in xukuumadu qorsheynayso muddo kordhin waay qabyo qoraalka magaca cusub wata waxa uu isku xayirayaa labadii diiwagelinood ee kala madaxa banaana oo ilaa midi dhamaato aanay ta kale bilaambi karin.


• Labada Gudoomiye ee labada xisbi mucaarid, ka dib markay xog waraysteen KDQ, kuna qanceen in qaybo qoraalka cusub ee madaxweynuhu baarlamaanka u gudbiyey aanu ahayn kii KDQ u gudbiyeen uu dabrayana in diiwaan gelinta codbiyeyaashu qabsoonto, waxay ergo ahaan ugu tageen Madaxweynaha JSL 23/8/2014 waxaan kala hadalay in labada diiwaangelinood aanay is dabrin madaxbanaanidoodana loo daayo. Wax jawaab oo rasmi nagama soo gaadhin Madaxweyanaha.


• Somalida maahmaahahooda waxa ka mid ah "Jini ninkii keenaa bixiya”. In kasta oo aan kalsooni ku qabo in baarlamaanku ka gudan doono waajibkiisa, hadana waxa Xukuumadda ku waajib ah iyada oo la eegayo midnimada qaranka, wada shaqeynta hey’adaha qaranka iyo ixtiraamka wixii lagu heshiiyo inay soo kala saarto labada xeer si diiwaagelinta codbixiyeyaashu u qabsoonto xilligii loogu talo galay.


• Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha waxa loo sameeyey qorshe hawleed taxane ah , tusaale: 6 August 2014 waxa la shaaciyey Qandaraaska(tender) shirkadaha fulinaya diiwaa gelinta codbixiyayaasha, 23 Sept waxa xidhmaya araajida teneder ka, 7 October Waxa la shaacin doonaa cida ku guuleysata, 14 October Waxa loo saxeexi doonaa qandaraaska cidda ku guuleysata, 8 December 2014 waxa bilaabmaya diiwaa gelinta codbixiyeyaasha Haddii hal qorshe hawleed dib u dhaco waxa hubaal ah in doorashadu dib dhacayso.

Arrintaas waxaan ku soo gunaanadayaa in xukuumaddu soo celiso wada shaqeynta hey’adaha qaranka gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrimaha doorashadu, lana soo celiyo kala madax banaanaanta Diiwaan gelinta muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha si doorashadu u qabsoonto waqtigeeda loona soo celiyo kalsoonida deeq bixiyeyaasha oo


Contact@afkashacabka.com