Siyaasi Cali Sandule Oo Maalinta Bari Ah Loo Qaadayo Dalka Jabouti Iyo Cida Qaadaysa.

0
Tuesday August 28, 2018 - 07:53:26 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Sandule Oo Maalinta Bari Ah Loo Qaadayo Dalka Jabouti Iyo Cida Qaadaysa.

    Siyaasi Cali Sandule Oo Maalinta Bari Ah Loo Qaadayo Dalka Jabouti Iyo Cida Qaadaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Sandule Oo Maalinta Bari Ah Loo Qaadayo Dalka Jabouti Iyo Cida Qaadaysa.

Siyaasiga Cali Axmed Maxamuud(Cali Sandule), oo katirsanaa Xisbi Xaakimka Kulmiye islamarkaana, xilal Kala Duwan oo Ilaa heer Wasiir ah kasoo qabtey Xukuumadihii Somaliland ayaa indhawaale Xaalad Xanuun u jiifey Caasimada Hargeysa kaas oo ay kawada war heleen guud ahaanba Umada Soomaaliyeed, kadib markii Warbaahinta laga baahiyey in Xukuumada xiligan ee Talada haysaa ay ka gaabsatey in ay gacan ka geysato Xaalada Caafimaad.

Sida Loo xaqiijiyey Shabakada Wararka hadhwanaagnews Siyaasiga Cali Sandule oo dad badan oo eheladiisa ahi aad uga Xumaadeen Xaalada Caafimaad ee Soo Waajahdey iyo Sida ay uga gaabsatey Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahey Muuse Biixi ayaa, Isniinta Berri u qaadaya dalka



Jabuuti kadib markii Walaalkii uu arintaa daraadeed uga soo Dhoofey dalka Dibadiisa si uu ugu qaado Cusbitaal Dibadeed.

 

Tan iyo intii uu Dibadda usoo baxey Xanuunka Siyaasi Cali Sandule,Waxa Xidhiidh lasoo Sameeyay Dhinacyo baddan oo ay kamid tahey Dawllada Puntland taas, oo sida ay uga dareen Celisey lagu baahiyey baraha Bulshadu ku kulanto ee Fecebooka oo lagu Sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas Si degdeg ah u dalbadey in loo soo Gudbiyo Siyaasi Cali Sandule si uu Cusbitaal Dibadeed ugu Diro, talaabadaas oo hadii ay Run tahey iyo hadii kaleba u muuqata in Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumadiisu ka faa,ideysaneyso fursada uu lumiyey Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa oo Siyaasiga Cali Sandule katirsanaa Xisbigiisa Kilmiye kana hawl galey Kaambaynkii ololihii dhawaa ee Doorashadiisa.

Geesta kalena, Wararka la isla dhex marayo Magaalada Hargeysa ee arinta Xanuunka kusoo Boodey Siyaasiga Cali Sandule ayaa sheegaya in Walaalkii oo Berri u qaadaya Dalka Jabuuti uu marka hore usoo Direy Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas haseyeeshee, ilaa iyo hadda lama oga in ay Qoyskiisa ku Kooban tahey iyo in ay Yeedha-yeedhahaas Qaadistiisu ku lamaan tahey.

Gabagabadiina lama oga in Wasiir Kuxigeen Katirsan Xukuumada oo la Sheegay in uu Gurigiisa ku booqdey aheyd mud shakhsi ah iyo In Madaxweyne Biixi oo arintan Siweyn loogu oriyey sida uu uga gaabsadey u Direy.