Dawlada Sucuudiga Oo Qarka U Saaran Inay Aqoonsato Somaliland,Iyo Faramaajo Oo Quus Ka Taagan Sucuudiga.

0
Tuesday August 28, 2018 - 12:44:08 in by salman abdi
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Sucuudiga Oo Qarka U Saaran Inay Aqoonsato Somaliland,Iyo Faramaajo Oo Quus Ka Taagan Sucuudiga.

    Dawlada Sucuudiga Oo Qarka U Saaran Inay Aqoonsato Somaliland,Iyo Faramaajo Oo Quus Ka Taagan Sucuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Sucuudiga Oo Qarka U Saaran Inay Aqoonsato Somaliland,Iyo Faramaajo Oo Quus Ka Taagan Sucuudiga. sucuudiga ayaa maalintii ciidkii kula shirtay qasarka madaxtooyada muna dhamaan madaxdii wadamada islaamka ee sanadkan kasoo qayb galay gudasha faralka xajka oo uu isagu marti qaaday sanadkan . Hadaba martiqaad casho sharaf ah oo uu madaxdaa xajka kasoo qayb galay ugu sameeyey boqor salmaan bin cabdil casiis qasarka madaxtooyada boqortooyada kasoo qayb galayaasha madaxda xajka ayaa waxaa kamid ahaa madaxweyne ku xigeenka soomaaliland mudane cabdiraxmaan saylici kaasoo metelayey wadanka soomaaliland . Hadaba martiqaadka kadib ayaa soomaaliland wuxuu boqorka sucuudigu ku dhawaaqay inay soomaaliland tahay dawlad ka mid ah wadamada islaamka isagoo u cuskaday qodob xasaasi ah oo aanay dawladaha soomaaliland kasoo horjeedaa inla citiraafaa is hortaagi karin sida soomaaliya , jabuuti , eeraan , soodaan qadar iyo turkigu kaasoo ah in dawlada sucuudiga oo ah meeshii islaamku kasoo baxay ay kaga hortegeyso inay kusoo fidaan ama hoyka dhigtaan soomaaliland wax ay ugu yeedhay dadka sita magaca islaamka ee mukharibiinta ah ee ku fidaya qaybo kamid ah wadamada islaamka (argagixisada) hadalkaas oo ah midaan waxba laga odhan karin siyaasad ahaan .

 

Hadaba calanka soomaaliland ayaa laga taagey halka ayka taagan yihiin calamada wadamada islaamka kaasoo isaga qudhiisu leh tawxiidka diinta islaamka oo aan dib looga qaadi karin . Hadaba citiraafka noocan ah iyo kubiirida soomaaliland ku biirtay wadamada islaamka ayaa noqonaysa mid sifudud ugu gogol xaadhaysa in soomaaliland kamid noqoto qaramada midoobey iyadoo aynu wada ogsoonahay in itoobiya iyo kiiniya u gogol xaadheen hore in soomaaliland ka mid noqoto ururgoboleedka igad si looga ilaaliyo inay gudaha u galaan argagixisadu taasna ay diideen soomaaliya jabuuti iyo soodaan kuna dhawaaqeen inay ka baxayaan ururka haddii lagusoo daro soomaaliland .

Hadaba maanta mar hadii aan waxba laga weydiin soomaaliya iyo wadamadii qadiyadaa kula socdey ee ay fadhiyeen ilaa sodon dal oo islaamka ka mid ahi isla markaana aanay jirin cid siyaasad ahaan uga hortimi markaas soomaaliland waxay sibuuxda uga mid noqotay munadamada wadamada islaamka isla markaana waxay si hawlyar uga mid noqonaysaa qaramada midoobey oo aanay jirin sharci u diidayaa . Hadaba soomaaliya ayaan gebi ahaanba awood u lahayn inay is hortaagto mar haddii qodobka loo cuskaday soomaaliland uu yahay mid iyada diidmadeedu halis gelin karo jiritaankeeda siyaasadeed iyo dawladeedba . Isla markaa wadamadii kula socdey ee jabuuti iyo soodaan ayaan waxba ka odhan karin cidkastoo ka hortimaadaana loo aqoonsan doono inay iyadu tahay mida ka danbaysa argagixisada gacan bir ahna caalamku wax kaga qaban doono lana burburin doono xukunka halkaa ka jira . Hadaba arinkani soomaaliland ka sokow wuxuu farxad gelinayaa wadamada u ololeeya soomaaliland oo ay kowka tahay itoobiya iyo kiinya iyo wadamo badan oo kale oo siyaasad ahaan u raacsan xulafada ay kula jiraan sucuudiga , waxay kaloo seefta dhulka kaga dhufanaysaa oo xitaa haddii dagaal dhaco looga hiilinayaa soomaaliya iyo cidkastoo ku raacsanayd dibindaabyada soomaaliland siyaasad ahaan iyo jiritaan ahaanba .

Qore: maxamed aadan axmed
Baadhe siyaasad
Ahna siyaasi madax banaan