Maxay ka dhigantahay in dib loo furayo Garoonka Stadium Muqdisho 7 sano kadib ?

0
Wednesday August 29, 2018 - 09:39:08 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka dhigantahay in dib loo furayo Garoonka Stadium Muqdisho 7 sano kadib ?

    Maxay ka dhigantahay in dib loo furayo Garoonka Stadium Muqdisho 7 sano kadib ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay ka dhigantahay in dib loo furayo Garoonka Stadium Muqdisho 7 sano kadib ?

Baarlamaanka dalka Iiraan ayaa muujiyay in uusan ku qanacsanayn madaxweynaha dalkaasi Xasan Rowxani, waxaana baarlamaanku uu ku gacan seyray jawaabihii uu ka bixiyay su'aalo xildhibaanada ay ka weydiiyeen dhaqaalaha dalkaasi ee sii burburaya.

Dhaqaalaha Iiraan ayaa dhibaato hor leh ka wajahaya xayiraadaha cusub ee Mareykanka kaddib markii madaxweyne Trump uu go'aansaday in uu ka baxa heshiiskii dhanka niyuukleerka ee quwadaha caalamka horey ula galeen dalkaasi Iiraan.

Waa markii ugu horreysay muddo shan sano ah oo baarlamaanka dalkaasi uu su'aalo weydiiyo madaxweyne Rowxaani. Su'aalaha ay xildhibaannadu weydiinayeen madaxweyne Rowxaani ayaa ahaa kuwo si toos ah looga tebinayay telefishinka qaranka ee dalkaasi.

Xildhibaannada ayaa ku gacan seyray afar ka mid ah jawaabihii shanta ahaa ee uu madaxweyne Rowxaani ka bixiyay dhaqaalaha sii liicaya ee dalkiisa.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhawaan baarlamaanka uu shaqada ka eryay laba wasiir oo ka tirsan dowladda Iiraan iyo toddobaadyo ay dalkaasi ka dhacayeen dibadbaxyo xoogan, kuwaasi oo u muuqda in ay ka dhasheen culeyska dhaqaale iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira dalkaasi.

Madaxweyne Rowxaani ayaa sheegaya in dalkiisa haba yaraate wax dhibaato ah aysan ka jirin isla markaana waxa uu farta ku fiiqayaa dowladda Mareykanka.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in shakhsiyaad lid ku ah jiritaanka Iiraan oo ku shiraya Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ay xumaan u maleegaan dalkiisa.

Mareykanka ayaa cadaadis xooggan ku xaya xukuumadda Tehran, waxaana xoghayaha gaashaandhigga ee Mareykanka, James Mattis, uu sheegay in Iiraan loo digay isla markaana lagula xisaabtami doono waxa uu ku tilmaamay xumaanta ay ka waddo gobolka bariga dhexe.