Wefti Ka Socda Puntland Oo Gaadhay Badhan Iyo Deeranada Ku Xeeran

0
Friday September 05, 2014 - 12:42:21 in by salman abdi
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Puntland Oo Gaadhay Badhan Iyo Deeranada Ku Xeeran

    Wefti Ballaadhan oo ay Hoggaaminayaan Wasiirkuxigeenka Wazaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Aamina Xaaji Xadhigle Iyo Wasiirkuxigeenka Wazaaradda Caddaaladda iyo Awqaafta Puntland Maxamed Faarax Canjeex ayaa Kormeer Shaqo iyo Ukuur gelid ah Ku ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ballaadhan oo ay Hoggaaminayaan Wasiirkuxigeenka Wazaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Aamina Xaaji Xadhigle Iyo Wasiirkuxigeenka Wazaaradda Caddaaladda iyo Awqaafta Puntland Maxamed Faarax Canjeex ayaa Kormeer Shaqo iyo Ukuur gelid ah Ku kala Bixiyey Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Weftiga ayaa Ugu Horraynab Waxaa SIweyn Loogusoo DHoweeyey Magaalada Dhahar e Xarunta Gobolka Haylaanwaxaanay kala hadleen Bulshada Xaaladaha Caafimaad ,Waxbarasho , Abaareed, Caddaaladeed iyo Xaaladaha Horumarineed ee Kajira Deeggaanadaasi.

Wetiga ayaa Intaasi Kadib u amba Baxay Magaalooyinka Kaladhacda, Baraagaha-qol, Ceelbuh, Hadaaftimo , Yubbe , Middigale iyo Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolkaasi .

Dhammaanba Dadweynaha Kudhaqan Gobolladaasi ayaa Muddadii ay Kusugnaayee Magaalooyinka Kala Duwan Ee Gobolka Waxay Si Qota DHeer Ugu Kuur Galeen Baahiyaha Caafimaad , Horumarineed iyo Baahiyaha Biyo yaraaneed ee Kajirta Inta Badan Dhulkaasi Waxaanay Usheegeen Bulshada inay Dawladda Pumtland Inkastoo Dhaqaala Yari ay Jirto Haddana aanay Waxba Ka Hagranayn.

Dadweynaha ayaa DHinocooda Kacodsaday Dawladda Puntland Inay Waxqabad Muuqda Soo Gaadhsiiso Dhulkaasi e aanay Keliya Socdaalkoogu Ku Ekaan Booqasho oo Keliya.

Geesta kale Maamulka Hargaysa ayaa Sida Lasheegay Usoo Diray Xubno kamid ah Golihiisa Xukuumadda Kuwooda Ku Abtirsada Gobolka Sa Usoo Diray Gobolkaasi Si’ay U Khalkhal Geliyaan Horumarka Iyo Isusoo DHowaanshaha Shirka Dhaqan Ee Kasocda Magaalada Xingalool Si’aan Looga Gaadhin Wax Midha Dhal ah Oo Rasmi ah.



Contact@afkashacabka.com